Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha ayaa maanta xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay warbixino kaga dhegeysanayaan qaar ka mid ah gudiyada baarlamaanka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa gudiga,garsoorka,diinta iyo awqaafta,gudiga beeraha iyo gudiga arimaha gudaha iyo amniga qaranka baarlamaanka Soomaaliya.
kulanka oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa warbixino ka hor jeediyey gudiga Xasan Cismaan oo ku hadlayey afka gudiga garsoorka baarlamaanka wuxuuna sheegay in gudigoodu ay booqdeen xarunta xabsiga dhexe ee dalka oo uu sheegay iney ku jiraan maxaabiis fara badan oo xabsiga ku jira.
Xildhibaan Xasan Cismaan ayaa sheegay in markii ay kormeerka ku tageen Xabsiga dhexe ay siyaabo kala duwan ula kulmeen maxaabiista ku jirta xabsigaas isla markaane ay soo ogaadeen in xabsiga ay ku jiraan 817 ruux oo la xukumay iyo 248 aan wali la xukumin oo xabsiga iskaga jira,wuxuuna ka dhawaajiyey in dowlada looga baahan yahay iney si deg deg ah maxkamad loosoo taago dadka xabsiga ku jira ee aan la xukumin.
Dhanka kale Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan gudiga arimaha gudaha iyo amniga qaranka baarlamaanka ayaa ka hadlay arimaha amniga dalka,wuxuuna ka dalbaday ka dalbaday isaga oo ku hadlaya afka gudiga arimaha gudaha iyo amniga baarlamaanka in dowladu ay kasoo jawaabto arimo dhowr ah oo ku saabsan amniga dalka,xasuuqii loo geystay dadkii ay ciidanka AMISOM ku gumaaday deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose,dilka loo geystay 4 maxbuus oo lagala baxay xabsi ay maamusho dowlada Soomaaliya iyo qaraxyada ka dhacay Muqdisho.
Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in shacabka iyo baarlamaanka intuba ay ku jaahwareereen hadaladii iskdhilaafsanaa ee ay ka kala yiraahdeen wasiirada warfaafinta iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka,wuxuuna tilmaamay in ninka fuliyey qaraxa ka dhacay afaafka aqalka R/wasaaraha uu wasiirka warfaafintu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida ee markii hore kasoo goostay alshabaab.
Halka wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadu ooo markaas kadib warbaahinta la hadlay uu sheegay in ninka qaraxaas fuliyey uusan ka tirsaneen ciidanka nabad sugida dowlada Soomaaliya,Daahir Amiin ayaa sheegay in arintaasi ay keentay in su’aalo badan la iska weydiiyo.
Mahad Cabdalla Cawad oo shir gudoominayey kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay iney filayaan in R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid uu baarlamaanka hor imaan doono 20-ka bishan si uu uga jawaabo dalabka baarlamaanka ee ku aaddanaa inuu ka warbixiyo waxqabaka xukuumadiisa ee boqolka maalmood.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho