Muqdisho(RBC Radio) Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Soomaaliyeed ee Taraafikada Cali Xirsi Barre Cali-gaab ayaa sheegay in amni darrada xiliyada qaar ka dhacda caasimada Muqdisho ay ka qayb qaataan gaadiidka Muraayadaha madow ay ku xiran yihiin wuxuuna shaaca ka qaaday in hada wixii ka danbeeya aan la ogolaan doonin in gaadiidka Muraayadaha madow leh aysan adeegsan doonin wadooyinka magaalada Muqdisho.
Cali-gaab ayaa tilmaamay iney ku ogaadeen baaritaano ay sameeyeen in gaadiidka inta badan loo adeegsado qaraxyada ka dhaca Muqdisho oo uu ugu danbeeyey kii lagu qarxiyey xarunta maxkamada gobolka Banaadir lagu fuliyey gaadiid leh Muraayadaha madoow ee Beensalka ah,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo ay wataan Taariko sax ah(Sumad)
Wuxuuna ku taliyey in masuuliyiinta dowlada Soomaaliya oo adeegsaday inta badan gaadiidka Muraayadaha madow iney u hogaansamaan awaamiirta ciidamada Taraafika ee taaggan wadooyinka si ay u baaraan una kala ogaadaan in gaadiidkaasi uu yahay kuwo saraakiisha dowlada ama kuwo ay wataan kooxda alshabaab oo qaraxyo lagu fulin rabo.
Wuxuuna intaa ku daray taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Soomaaliyeed ee Taraafikada Jen.Cali Xirsi Barre in dowlada Soomaaliya looga fadhiyo iney qalabeyso ciidanka ciidanka Taraafikada si ay hawlaha ay bulshada u hayaan ugu gutaan si habsami leh.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho