Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Masuuliyiinta horboodaya shirka maamul u samaynta Juba-land oo meesha ka saaray fara galin ay IGAD shirkaas ku hayso

$
0
0

 

 

Kismaayo(RBC Radio) Masuuliyiinta horboodaya shirka Kismaayo ayaa meesha ka saaray fara galin ay shirkaas ku hayaan xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD Macalin Maxamed Ibraahim oo ka jawaabayey eedo loo jeediyey shirka Kismaayo oo la xiriira in shirkaas ay fara galin ku hayaan xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD.

Macalin Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid ku yimi rabitaanka shacabka kasoo jeeda gobolada Jubooyinka iyo Gedo isla markaane ay  go’aansadeen iney qabsadaan shir ay ku dhisanayaan maamul ay ku mideysan yihiin isagoona iska fogeeyey in shirku uu yahay mid ay si weyn ugu lug leeyihiin xubno ka tirsan wadamada deriska ee ku bahoobay urur goboleedka  IGAD.

“Shirka Kismaayo waa mid ku yimi rabitaanka dadka kasoo jeeda Jubooyinka iyo Gedo mana jirto fara galin dibadeed oo ka jirto Kismaayo,waxaan mar kale ku celinyaa baaqeyga ku aaddan in dowlada Soomaaliya ay taageerto shirka maamul u samaynta Jubaland oo ah rabitaanka shacabka goboladan” ayuu yiri Macalin Maxamed Ibraahim oo ah gudoomiyaha gudiga farsmada maamul u samaynta Juba-land.

Macalin Maxamed ayaa sheegay in hawlaha shirku ay marayaan meel wanaagsan dhawaane ay soo dhamaystirayaan ergada dooran doonta madaxweynaha uu yeelan doono maamul goboleedka Juba-land oo ay u taagan yihiin musharixiin dhowr ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles