Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jabuuti oo Sheegtay iney Ciidan hor leh kusoo biirineyso ciidamada ka jooga Soomaaliya

$
0
0

Jabuuti(RBC Radio) Dowlada wadanka Jabuuti ayaa sheegtay iney kordhineyso ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM si ay uga qayb qaataan sugida amniga dalka Soomaaliya gudoomiyahaa baarlamaanka wadanka Jabuuti Idiris Arna’uud Cali ayaa ka dhawaajiyey in dalka Jabuuti uu ciidan hor leh usoo dirayo dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan diyaarinta ciidan cusub oo ay kusoo biiriyaan kuwa hadda ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad dhalinta midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya ee AMISOM,gudoomiyaha ayaan si rasmi ah u sheegin waqtiga ay ciidankaasi soo gaarayaan gudaha Soomaaliya.

Idiris Arna’uud Cali gudoonka baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa ammaanay dadaalada iyo horumarada dhanka amniga ah ee ay ku tallaabsatay dowlada Soomaaliya muddooyinkii danbe wuxuuna tilmaamay in dalka Jabuuti uu hiil iyo hoo intaba la garab taagan yahay walaalahooda Soomaaliyeed si ay uga baxaan dhibaatada dabada dheeraatay daashatay ummada Soomaaliyeed.

Dowlada Jabuuti ayaa hore waxaa uga joogay Soomaaliya ciidamo ka tirsan hawlgalka AMISOM kuwaas oo hawlo badan oo lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed deegaanada ay ku sugan yihiin oo ay ka mid tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo ciidanka Jabuuti looga yaqaan Hiil walaal kadib markii ay gurmadyo isdaba joog ah ay u fidiyeen shacabka reer Hiiraan.

Waxqabadka ciidanka Jabuuti ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa kamid ah iney u gurmadeen dadkii uu saameeyey daadadkii ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle oo ay ku gurya beeleen dad badan,la tacaalidda dadkii faraha badnaa ee uu soo ritay cudurka shuban biyoodka  iyo tababaro ay u fureen maleyshiyo beeleedkii ku sugnaa magaalada Beledweyne kuwaas oo hada ka ayb  qaadanaya hawlaha lagu sugayo amniga gobolka Hiiraan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles