Muqdisho(RBC Radio) R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh oo xiligan ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay heshiiskii ay magaalada Ankara ku kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.
Cali Khaliif ayaa sheegay in sida uu heshiiskaasi u dhignaa ay dhaawacayso aayatiinka iyo midnimada umada Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in sida heshiiska loo dhigay ay muujineyso in heshiiska ay kala saxiixdeen laba dowladood oo siman taasine ay meel ka dhac ku tahay mabaadii’da umada Soomaaliyeed ee muqaddaska ka dhigeysa midnimada umada Soomaaliyeed.
“Shirkaasi wuxuu u muuqday in madaxweyne Xasan Sh. uu Soomaaliland u aqoonsaday dowlad ka madax bannaan marka la eego sida loo saxiixy heshiiska oo ay qalinka ku duugeen labo wasiir oo ka kala socday Soomaaliya iyo Soomaaliland” ayuu yiri Cali Khaliif Galaydh oo ka hor hadlayey kulanka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Cali Khaliif ayaa ugu baaqay gudoonka iyo mudanayaasha baarlamaanka iney si deg deg ah arintaas uga arinsadaan maadaama ay dhaawacayso qaranimada Soomaaliya,wuxuuna ku taliyey in dhammaan qorshayaasha kale ee baarlamaanka horyaalla hakad la galiyo isla markaane laga doodo arinta heshiiska dhexmaray Soomaaliya iyo Soomaaliland oo uu ku tilmaamay iney tahay arin culeyskeeda leh.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Mjuqdisho