Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyey in la adkeeyo amniga xarumaha garsoorka dalka,wuxuuna ku amray saraashiika amaanka iyo laamaha wardoonka dowlada Soomaaliya iney baaritaanno dhan ah ku sameeyaan weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh. ayaa lagu yiri“Waxaan qirsanahay inuu jiro wel welka, walbahaarka iyo cabsida Mas’uuliyiinta Maxkamadaha iyo shaqaalaha kale ee dowladda, sidaasi darteed waxaan balan qaadayaa in la sugi doono ammaanka dhamaanba xarumaha dowladda”
Madaxweynaha ayaa amar ku siiyey laamaha amaanka dowlada iney baaritaan qota dheer ku sameeyaan weeraradii Muqdisho ka dhacay wuxuuna ugu yeeray iney si deg deg ah u keenaan Natiijo lagu qanci karo oo ku aaddan sida ay u suurta gashay in alshabaab ay si fudud gudaha ugu galaan xarunta maxkamada gobolka.
“Saraakiisha laamaha amniga waxaa laga rabaa iney natiijo rasmi ah kasoo saaraan dadaalada ay wadaan ee ku aaddan baaritaannada weerarkii lagu qaaday xarunta Maxkamadaha, waana iney la yimaadaan tallaabooyin lagu adkeeynayo amniga xarumahaasi si looga hortago weeraro kale oo argigixiso” ayuu markale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xili uu muran badan ka taagan yahay sida uu u dhacay weerarka ay alshabaab ku galeen gudaha xarunta maxkamada iyo iney jiri karaan dad fududeeyey weerarkaas oo ay ku dhinteen dad fara oo Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho