Kampala-(RBC) waxaa Habeenimadii Xalay ahayd Xaflad siweyn loosoo agaasimay ayna kasoo Qayb galeen Culuma Udiin , Ganacsato, Madaxda Ardayda, Safaarada Somalida, iyo dhamaan ardayda Somaliyeed ee Kala Dhigta Jaamacadaha Kala duwan ee dalka Uganda Waxaana Xafladaas Xilka Kula Kala wareegayey Madaxweynihii Hore Mudane Abadalla Kaylaco iyo Madaxweynaha Cusub Ee dhawan La doortay Mudane Abdinasir Yusuf Haji (Green)
Xafladan Oo looga Golahaa Caleemaha Saarka Madaxweynaha Cusub ee Ururka Ardayda Somaliyeed Ee Jamacada St.Lawrence Mudane Green iyo Xukuumadiisa ayaa waxaa Ka hadlay Xoghaya Guud Ee safaarada Somaliyeed Ee Uganda Mudane Khadar Oo Ku Amaanay Ardayda Somaliyeed Qaabka ay isu doorteen Islamarkaasna Xilka isugu Wareejinayaan Xilka Isaga Oo la dar daarmay Madaxweynaha Cusub Sheegaynay Ina Safaarada Somaliyeed ee Uganda ay la shaqayn doonta Madaxweyne Green
Waxaa Sidoo kale Madasha Ka hadlay Shiikh Ibraahim oo Ah Maamula Dahabshiil ee Uganda ahna Aqoonyahan Somaliyeed Aadna ula shaqeeya Ardayda Somaliyeed Waxaa Uu aad U amaanay dhamaan ardayda Somaliyeed Si gaar ah waxa uu u amaanay Madaxweynaha Cusub oo Uu sheegay inuu Yahay Muwadin Jecel Midnimada iyo Horumarka ardayda Somaliyeed.
Dhanka Kale Waxaa Isna Madasha Ka hadlay Mudane Cismaan Axmed Jabane oo ah Khabiir dhanka Siyaasada islamarkaasna aad ugu Dhuun daloola Siyaasada Caalamka, Waxa Uu aad U Amaanay Mudane Green oo uu sheegay inuu Aqoon dheer uleeyahay Uuna Yahay qof Mudan in Uu Hogaamiyo Ardayda somaliyeed waxa uu aad ugu dhiiri geliyey Ardayda Somaliyeed Inay ka shaqeeyaan Midnimadooda .
Intaas Kadib Waxaa Hadalka Lasgusoo dhaweeyey Madaxweynaha Cusub Abdinasir Yusuf Haji (Green) waxaa Halmar is Qabsaday Sacab iyo Sawaxan Lagusoo dhaweynayo Madaxweynaha oo looguna Miijinayo Taageerada Madaxweynaha ay u hayaan ardayda Somaliyed Kadib Madaxweynah waxaa uu ka hadlay waxqabkiisa Oo ay kamid ahaayeen inuu Wax ka qaban doono Midnimada Ardayda, ishdexgalka Ardayda Somaliyeed iyo Ardayda Kale,Kor U qaadista Garaadka iyo Aqoonta Ardayda iyadoo oo loo Qaban Doono Ardayda workshops iyo siminaaro, ilaalinta Dhaqanka iyo Diinteena Suuban.
Sikastaba ha ahateena Xaflada ayaa kusoo dhamaatay Jawi aad wanaagsan iyo is Marxabayn Ardayda Dhexdeeda ah.