Garoowe (RBC RADIO) Ra’iisul-Wasaare Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha 4raad ee Dalka Kenya Uhuru Kinyata oo maanta la shaaciyay in Xilkaasi uu si muuqata ugu guuleystay wuxuuna madaxweynuhu guul ku tilmaamay habka ay codayntu u dhacday kuna tilmaamay mid lagu qanci karo wuxuuna uga digay Kooxdii kale ee tartanka dhinaca kaga jirtay in dalka dib loogu celiyo fawdadii uu dhiiga badan ku daatay oo uu horay usoo maray wuxuuna hadalkan ka yiri mudane Saacid Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe kadib markii Maanta halkaasi lagu soo dhaweeyey.
“ waxaan doonayaa in fursadan aan uga faa’iidaysto inaan halkaan uga hambalyeeyo Uhuru Kinyata oo ku guuleystay Madaxtimada Dalka aynu Jaarka nahay ee Kenya aad baanu ugu qanacsannahay uguna faraxasan nahay sida ay u dhacday Doorashada dalkaasi sidaad la socotaan Kenya waa Dal ay inaga dhaxayso dariswanaag, iskaashi, iyo si wada jir ah oo aan ula dagaalanno Argagixisada nagana kaalmeeya xaga Amaanka sidaana waxaa yiri Raysul’wasaare Shirdoon.
Inkastoo Raila Odinga iyo Xisbiga uu hogaaminayo ay kasoo horjeesteen sida ay u dhacday natiijada looga guuleystay hadana Dowlada Soomaaliyeed waxa ay muujisay in sida ay u taageersantahay Natiijada Kasoo yeertay gudiga Doorashooyinka ee Dalkaasi Kenya waxa ayna sheegeen in uu sii hagaagi doono Xiriirka u dhexeeya 2da Dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya.
Ibraahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.