Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay hadal ay sheegeen in dhowaan uu warbaahinta ka sheegay xildhiban kale oo baarlamaanka ka tirsan oo ku saabsanaa ciidamo ka yimid Gedo oo soo gaaray magaalada Kismaayo.
Xildhibaan C/laahi Cabdulle Magan “Bood” oo ugu horreyn ka hadlay kulankan ayaa sheegay in ciidan wata ku dhowaad tobaneeyo gaadiidka dagaalka oo ka tirsan ciidamada dawlada federaalka ee lagu tababaray gobolka Gedo ay gaareen magaalada Kismaayo iyagoo ujeedkoodu yahay sugida amaanka magaalada Kismaayo oo ka mid ah meelaha laga saaray Al Shabaab.
“Waxaa nasiib darra ah in rag xildhibaano ah oo uu ka mid yahay xildhibaan [C/rashiid] Xiddig uu ku tilmaamay ciidankii qaran ee halkaa tagay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab. Koley taasi waxaa laga rabaa madaxda dawlada iyo madaxa ciidamada iyo wasaaradda gaashaandhiga inay ka qaadaan tallaabada ku haboon.” ayuu yiri xildhibaan Bood Cabdulle Magan.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in mudo dheer ciidamo kala duwan dawlada loogu tababaray gobolka Gedo kuwaasoo qeyb ka mid ah ay dawlada hadda u dirtay magaalada Kismaayo. Wuxuuna ku eedeeyay xildhibaan C/rashiid Xiddig inuu ku guuldareystay masuuliyadiisa xildhibaanimo.
“Waxaa la yaab in xildhibaan Xiddig uu istaago halkay Al Shabaab taagan tahay halkeeda kale.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay odayaal uu ka mid ahaa Nabadoon Xasan Ceydiid oo sheegay in ciidamo dawladeed oo hawlgal loo diray ciddii ku sheegtay Al Shabaab in lagala xisaabtami doono.
Ciidamada gaaray Kismaayo
Maalmahan ayaa waxaa soo baxayey hadalheyn la xiriirta ciidamo aan tiradooda la sheegin oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose kuwaasoo ka soo ambabaxay gobolka Gedo soona maray wadada Beerxaani ka timaada ee soo gasha magaalada Kismaayo.
Tegitaanka ciidanka gaaray Kismaayo ayaa waxaa siyaabo kala duwan u hadalhaya dadka ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Maamulka ku-meelgaarka ee Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo ayaan wax hadal ah ka oran ciidamadaasi yimid Kismaayo oo la sheegay in labo habeen deganaayeen duleedka garoonka diyaaradaha Kismaayo markii dambana u gudbeen magaalada gudeheeda.
Sidoo kale dawlada Soomaaliya iyo saraakiisha ugu sareysa ciidamada iyo wasaaradda gaashaandhiga kama hadlin illaa hadda tegitaanka ciidankaasi ee magaalada Kismaayo iyo haddii dawladu ay halkaasi u dirtay.
Dhanka kale Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho maalintii shalay ayaa sheegay in ciidanka soo gaaray Kismaayo ay ka tirsan yihiin Al Shabaab, sida uu yiri.
Wuxuuna xildhibaanku wax lala yaabo ku tilmaamay in ciidankaasio ay soo dhexmareen deegaano ay maamulaan Al Shabaab iyagoo soo gaaray magaalada Kismaayo oo sida uu yiri amni uu ka jiro.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho