Muqdisho(RBC Radio) Tababar kor loogu qaadayo sugida amniga Hoteelada & Maqaayadaha magaalada Muqdisho oo ay soo agaasintay wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa maanta loo magaalada Muqdisho looga furay mulkiilayaasha Hoteelada maqaayadaha waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Munaasabada furitaanka Tababarkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya,Saraakiil ka socotay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya iyo Mulkiilayaasha Hoteelada iyo Maqaayadaha magaalada Muqdisho wuxuuna ahaa ujeedka Siminaarka sidii looga hortagi lahaa falalka qaraxyada ah ee mararka qaar ka dhacay Hoteelada & Maqaayadaha Muqdisho ku yaalla.
Mahdi Cali oo ah wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya oo ugu horeynbay ka hadlay furitaanka Siminaarka ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay qabashada Aqoon kororsigan ku qasabtay kadib markii ay Hoteelo iyo Maqaayado ku yaalla Muqdisho ay ka dheceen qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu dhibaateeyey shacab fara badan taasine ay keentay in dowladu ay qaado tallaabo ay kaga hortageyso arinkaas.
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa aaminsan in tababarka nuucan oo kale ah uu wax weyn ka bedelayo amniga Hoteelada iyo Maqaayadaha oo ay inta badan bulshadu ku kulmaan ayna sahlan tahay in si fudud lagu dhibaateeyo sida uu qabo taliyaha hay’ada nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho