Nairobi (RBC) Raysul wasaaraha haatan xilka baneynaya ee wadanka Kenya Raila Odinga oo ahaa musharaxa jagada madaxweynaha Kenya ee isbahaysiga CORD ayaa shaaca ka qaaday inuusan ku qanacsaneyn qaabka loo tiriyey codbixinta doorashadii ka dhacday wadanka Kenya.
Shir jaraa’id oo uu goordhow ku qabtay magaalada Nairobi ku qabtay Mr Odinga ayuu ku sheegay inuu u dacwoon doono maxkamadda sare ee Kenya isla markaana uu rajeynayo in maxkamadda sifo sharci ah ay ku soo farageliso doorashada oo uu sheegay in wax badan la isdaba mariyey.
Odinga wuxuu si weyn u tuhmay in natiijada deegaano fara badan oo uu ku horreeyay la xaday ka dib markii qalabkii tirinta ee casriga ahaa uu ciladooday taasina ay keentay in mudo la dheereeyo waqtiga natiijada ay ka soo baxayso, oo sida uu sheegay shaki fara badan uu hareeyay.
Raila ayaa dhanka kale taageerayaashiisa ugu baaqay inaysan sameyn wax kacdoon ams rabshado ah, iyadoo si weyn looga cabsi qabo in ay isku dhacaan taageerayaasha careysan ee Raila Odinga iyo kuwa faraxsan ee Uhuru Kenyatta.
Uhuru oo shahaadada madaxweynaha la gudoonsiiyey
Wax yar ka hor markii uu Raila Odinga qabtay shirka jaraa’id waxaa xarunta Bomas ee fadhiga u ah guddiga doorashada wadanka Kenya looga dhawaaqay in madaxweynaha afraad ee wadanka Kenya uu yahay Uhuru Kenyatta oo helay 50.03% codadkii la dhiibtay ee doorashada.
Guddoomiyaha guddiga doorashada wadanka Kenya Axmed Isaaq Xasan ayaa ku dhawaaqay in Kenyatta uu helay codad gaaraya 6,173,433 halka ninka la tartamayey ee Odinga uu helay 5,340,546.
Uhuru oo isaga laftiisa soo gaaray xarunta Bomas ayaa la guddoonsiiyey shahaadada guddiga doorashada ugu aqoonsadeen inuu yahay madaxweynaha afraad ee wadanka Kenya.
Taageerayaasha Uhuru Kenyatta ayaa illaa hadda wada dabaaldegyada farxadeed ee ay ku xusayaan guusha Uhuru Kenyatta oo ahaa musharaxa isbahaysiga Jubilee oo y ku wada jiraan William Ruto oo isaguna ah madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya.
Labada nin ee hadda ku guuleystay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa labaduba dacwad la dooneysa maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ICC xarunteeda Hague taasoo ku eedeyneysa labada nin inay xasuuq dadweyne ka qaybqaateen sanadkii 2007 markii doorashadii lagu murmay ay ka dhacday Kenya.
Dadka reer Kenya ayaa dhega u taagaya waxa xigi doona mar haddii Uhuru Kenyatta u dabaaldegayo guushiisa halka Raila Odingana uu ka biyo diiday kuna dhawaaqay inuu cabasho gudbinayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi