Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Somaliland Oo Turkey U Dhoofay Kana Hadlay Cunaqabtaynta Hubka Ee Somaliya Laga Qaaday (Dhageyso)

$
0
0

Hargeysa (Raxanreeb) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa galabta u socdaalay dhankaas iyo dalka Turkey-ga.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay dawlada Turkey-ga ayaa la filayaa inuu kulamo la qaatay, isla markaana uu ay ka wada hadlaan xidhiidhka labada dhinac sidii loo sii xoojin lahaa.

Madaxweynaha oo madaarka caasimada kula hadlaayey warbaahinta ayaa ka hadlo arrimo khuseeya somaliya oo ay ka mid tahay shirka Somalida London uga furmaaya dhawaan iyo cunaqabtaynta hubka ee Somaliya laga qaaday.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Md Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyey in aanay Somaliland waxba ka dhimi doonin go’aanka Somaliland dadkeedu gaadhay 1991-kii

Socdaalka madaxweynaha waxaa u sii gogol xaadhay oo dalka Turkey-ga kaga horeeya wasiirada kala ah, wasiirka macdanta iyo biyaha, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka arrimaha dibada.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa inay dawlada Turkey-ga kala hadlaan sidii Somaliland looga caawin lahaa arrimaha waxbarasahda, caafimaadka, qodista biyaha iyo arrimo kale oo la xidhiidha baaiyaha nolasha.

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Raxanreeb-Hargeysa

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles