Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Guddoomiyaha Cusub ee degmada Burtinle oo ka warbixiyay qorshahisa wax qabad.

$
0
0

Burtinle[RBC Radio]Guddoomiyaha degmada Burtinle ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Burtinle oo ay dhawaan soo magacaaben golaha deegaanka degmada ayaa maantay ka warbixiyay qorshayasha uu dagmada ku hogamindoono waxana uu shegay inuu wax qabad muqdo uu ku hogaminayo dagmada Burtinle isbadal muqdana uu la imandoono.

Guddoomiyaha oo maantay lahadlayey warbaahinta guddaha  ayaa sheegay inuu maantay golaha deeganka dagmada uu horgeeyay shan qodob uu u ku horkici doono degmada Burtinle ee gobalka Nugaal kadib kal fadhi ay maantay yeeshen golahu.

Guddoomiyaha dagmada Burtinle ee gobolka Nugaal Libaan Xirsi Khaliif ayaa sheegay inuu qodabadan uu hor geeyay golaha deeganka ay yihiin kuwo isbadal kusameenkara marxaladda degmada ka jirta waxana uu intaasi ku daray qodobada uu hor dhigay golaha degmad ay yihiin kuwo uu ku dhaqi doono Burtinle waxana kamid ahaa qodobadda in dibu firis lugu sameyo dowladda hoose ee dagmada,hirgalinta canshuuraha iyo dhowrista dakhliga dagmada,dhamaystirka iyo kahortagista wax kastaa oo mad madow soo kala dhexgalin kara maamulka degmada.

Libaan Xirsi Khaliif ayaa intas raciyay inay wadan qorshe balaraan oo ay ku hirgalinyaan dhismo la dhiso jidka laamiga ee dhax qaada degmada kasii oo xiligan bur bur iyo jaajab badan uu ka muqdo.

Guddoomiyaha ayaa siddo kale ka hadlay hormarinta degamada iyo ka hortagista saxo xumadda waxana uu si cadd uu sheegay inay qor sheenayan inay ku daa daalan nadaafada degmada.

Degmada Burtinle ayaa muddoyinki danbe lugu samenayey isbadalo dhanka maamulka degmada ah kadib marki ay degmada ka bixi wayday is qab qabdi dhanka maamulka ah Libaan Xirsi Khaliif  oo xiligaan loo doortay guddoomiyaha degmada ayaa lugu badalay guddoomiye hoore ee dagmada Faarax Salwe kadib wada sheeq xumi dhex gasheey maamulkasi uu Faarax Salwe u horkacaye gulaha deegaanka dagmadana ay soo magacabeen intas kadib Libaan Xirsi Khaliif.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles