Bujanbuura(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ku sugan magaalada Bujanbuura ee caasimada wadanka Burundi ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Burundi safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Burundi ayaa sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Burundi Abshir Xasan ayaa sheegay in kulanka dhexmaray R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo madaxweynaha dalka Burundi looga wada hadlay arimo ay ka mid ahaayeen sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo Siyaasada.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha lagu gorfeeyey kulanka labada masuul ay ka mid ahaayeen sidii uu labada dal u dhexmari lahaa xiriir ganacsi oo qota dheer iyo isku xirnaansho ay yeeshaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Burundi.
R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha dalka Burundi in dalkaasi uu gacan weyn ka geysto xasilinta magaalooyinka Soomaaliya ee alshabaab laga saaray si loo xaqiijiyo amniga goobahaas.
Safiirka Soomaaliya ee wadanka Burundi ayaa intaa ku daray in R/wasaare Cabdi faarax Shiirdoon uu shalay booqday safaarada Soomaalida ee magaalada Bujanbuura ee caasimada Burundi si uu ugu kuurgalo sida ay u socoto hawsha ay safaaradu u hayso shacabka Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho