Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DOOD FURAN: Heshiiska DF Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland

$
0
0

Ankara (RBC) Dawlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa dalka Turkiga ku wada saxiixday heshiis ka kooban toddoba qodob kuwaasoo ay labada dhinac ku heshiiyeen kadib kulankii [shalay 13.04.2013] madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ku dhexmaray magaalada Ankara oo ay ku martigelisay dawlada Turkiga.

Haddaba waxaa Raxanreeb soo gaaray qodobada heshiiskaasi oo sidan u dhigan;-

1-  Labada dhinac [dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlada Somaliland] inay sii wadaan wadahadalada u socda.

2- Labada dhinac waxay ayideen labadii heshiis ee hore ee wadahadalada ahaa ee dhexmaray dawladii kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

3- In labada dhinac ay wadahadalada sii wadaan iyadoo beesha caalamka dhanka farsamada ka caawin doonto.

4- In Iskaashi buuxa laga yeesho dhanka nabadgelyada iyo tababarada ciidamada amaanka.

5- In la wadaago deeqaha beesha caalamku siiso Soomaaliya oo Somaliland qeybteeda ka hesho.

6- In muddo 90 cisho gudahood ah kulan labaad lagu qabto, kulankaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

7- In labada dhinaca ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara wadahadalada socda.

Heshiiskan oo ku soo baxay war murtiyeed laga soo saaray kulan labada dhinac ku yeesheen magaalada Ankara ayaa waxaa wada saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Heshiiskan ayaa laga dhowray dhammaan qodobada loo maleyn karo inay xasaasi yihiin sida gooni isutaagga maamulka Somaliland uu doonayo iyo midnimada Soomaaliya oo dastuurka dawlada federaalka uu qeexayo.

Warar ku dhow shirka dhexmaray labada dhinac ayaa sheegaya in arrimaha xasaasiga ah loo ballamay in dib looga wada hadlo, balse qodobka ku jira heshiiskan uu yahay “in deeqaha Soomaaliya la siiyo ay wax ka helaan dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland”.

Haddaba akhristow sidee u aragtaa heshiiskan ka kooban toddobada qodob?  maxaa ku cusub?

Sidee loo fulin karaa? maxaase caqabad ah oo ka hor iman kara?

Heshiiskan muxuu u dhimi karaa midnimada Soomaaliya?

 

Waa dood furan

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles