Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Waxgaradka gobolka Hiiraan oo dowlada ugu baaqay iney Ethiopia kala hadasho dadkii ay ku dhibaateysay Beledweyne

$
0
0

Beledweyne(RBC Radio) Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney ciidanka Ethiopia kala xisaabtanto gumaadkii ay dadka rayidka ahaa ugu geysteen masjid ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka tirsan waxgaradka gobolka oo warfidiyeenada la hadlayey ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ay kulan ka yeesheen dhacdadii ay ciidamada Ethiopia ku dileen 1 ruux 4-ta kalane ay ku dhaaweceen wuxuuna tilmaamay iney si kulul u cambaareynayaan falkaas lagu dhibaateeyey dadka rayidka ah.

Nabadoonka ayaa ka baaq u diray dowlada Soomaaliya wuxuuna ka codsaday iney dowlada Ethiopia kala hadasho arintaas isla markaane cadaalada la horkeeno askartii ku kacay falka dilka iyo dhaawaca ah ee ay u geysteen dadka rayidka ah,wuxuuna tibaaxay in dowlada looga baahan yahay iney si deg deg ah jawaab uga keento arintaas.

“Dowladu iyada ayaa masuul ka ah shacabka Soomaaliyeed waa iney meel cad saartaa dilka iyo dhaawacalagula kacay mawaadiniinta Soomaaliyeed oo la dilay xili aysan wax danbi ah geysan” ayuu hadalkiisa ku daray nabadoon Faarax Cabdi Waare.

12 bishan April oo ku beegneed maalintii Jimcaha ayey ciidanka ka tirsan kuwa Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay si ula kac ah rasaas ula dheceen dad rayid ah oo ku tukanayey masjidka Dabaqeynka ee ku yaalla bartamaha magaalada Beledweyne rasaastaas oo dhalisay dhimashada 1 ruux iyo dhaawaca 4 kale oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles