Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

[VIDEO+DHAGEYSO] Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire: Maamul u Sameynta Jubbooyinka iyo Gedo Waa arrin guul u ah Ummada Soomaaliyeed!!!!!

$
0
0

Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire

Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in Shirka ka soconaya magaaladda Kismaayo laguna doonayo Maamul goboleed in loogu dhiso ay tahay tallaabo guul ah.Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo Safar shaqo kaga soo laabtay dalalka Kuweyt,Qadar iyo Dubai ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersanyahay in Jubbooyinka iyo Gedo sameystaan maamul ay ku mideysanyihiin.

Waxa uu xusay in rabitaanka Shacabka Jubbooyinka iyo Gedo loo baahyahay inaan la Is hortaagin laguna garab Istaago iney sameystaan maamul ay u wada dhanyihiin.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo Safar shaqo kaga soo laabtay dalala Kuweyt,Qadar iyo Dubai ayaa sheegay in Maamul loo dhiso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo horseedeyso in laga baxo dhibaatadii 22-sano ka taagneyd deenadaas.

…”"” Runtii waa arrin guul u ah Soomaaliya guud ahaan gaar ahaana dadka kunool Jubbooyinka in maamul la dhiso,lagana baxo dhibaatooyinkii kasoo jiray 22-sano…”"ayuu yiri Faarax Cali Shire.

Wuxuu xusay in ka Puntland ahaan ay u arkaan Jubbaland oo dhisanta guul usoo hoyatay Soomaaliweyn oo dhan,isagoona intaas ku daray in si weyn ay usoo dhaweynayaan Maamulka kasoo baxa Shirka ka socda magaaladda Kismaayo.

Xubnaha harsan sida Madaxweyne,Kuxigeenkiisa iyo Gollaha Wasiiradda Jubbaland ayuu ku sheegay in ay rajeynayaan in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo dhameystiro.

…”" Waxaan rajeyneynaa inta ka dhiman iney dhameystiraan oo ah in la sameeyo Baarlamankii,Madaxweynihii,Madaxweyne Kuxigeenkii iyo Golihii Wasiirada inta ka dhiman in ay dhameeyaan,guul baana u rajeyneynaa Insha allaah…”"”ayuu yiri.

 

Shirka ka soconaya magaaladda Kismaayo ee maamulka loogu dhisaayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayey Shacabka Puntland ku dhaqan si mideysan usoo dhaweeyeen,waxayna filayaan inta dhimana in lagu soo gabagabeyn doono sida Nabad ah.

_______________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles