Boosaaso[RBC Radio] Wasiiradda Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland oo maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ayaa faah-faahin ka bixiyey Safaro ay ku tageen dalal Carbeed.
Xubnaha Wafdigaan Wasiiradda ah,ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso,waxaa kusoo dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Puntland,Siyaasiyiin,Saraakiil iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Faarax Cali Shire oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa sheegay in Isaga iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ay Safarhaqo oo qaatay muddo laba todobaad ah ku tageen wadamada Kuweyt iyo Qadar.
Mudane Faarax Cali Shire ayaa ku sheegay Ujeedada Safarkood ay ku tageen dalka Kuweyt uu salka ku hayey qorshayaal horey loogu geeyey oo ku saabsanaa sidii dawladda Kuweyt ay Puntland uga Caawin lahayd ka qeybqaadashada dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso iyo arrimo kale oo dhanka Horumarka ah.
…”"” Safaradaas shaqo,waxay ahaayeen arrimo horey qaarkood dawladda Puntland iyo Kuweyt ka dhaxeeyey ku saabsan qorshayaal horey loogu geeyey wadanka Kuweyt sida Airporada iyo waxyaalo lamid ah sidii Puntland ay wax uga qaban lahaayeen,..”"”ayuu yiri Faarax Cali Shire.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Wasiirka Maaliyaddu,wuxuu sheegay in dhawaan Puntland ay iman doonaan Wafdi ka socda Dawladda Kuweyt kuwaas oo qiimeyn ku sameyn doona baahida ka jirta Puntland,wixii ay nagala qaban karaan ay noo cadeeyeen in ay ku taageerayaan Puntland.
….”"”Waxaan rajeyneynaa in Wafdi ka yimaado dawladda Kuweyt si dhakhso ah haddii rabi idmo,kaas oo isaguna ah mid qiimeyn ku sameyndoona baahida ka jirta Puntland oo aanu ka Codsanay anagu waxa ay tahay baahidaasi hase yeeshee iyagu Yiraahdee wadanka baanu tageynaa,waanu soo qiimeynaa,wixii markaa wax ka qaban karnana waanu idin kala qabaneynaa…”"”ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in ka Puntland ahaan rajeynayaan in ay furo cusub u noqoto isla markaana wax badan loogu qaban doono Shacabka Puntland,wuxuu intaas ku daray in Safar kale ay jiri doonaan dib loogu noqo wadamada qaarkood.
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso