Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faahfaahin: Kulankii Xasan Sheekh Iyo Axmed Siilaanyo Ku Lahaayeen Ankara oo Soo Gabagaboobay (Maxaa Ka Soo Baxay?)

$
0
0

Ankara (RBC) Waxaa goordhow xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dawlada Turkiga ee magaalada Ankara ku soo soo dhammaaday kulan saacad qaatay oo dhexmaray madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Kulankan ayaa la sheegay in diirada lagu saaray arrimo muhiim ah, walow aysan weli soo bixin qoraalka rasmiga ee war murtiyeedka.

Kulanka Xasan Sheekh iyo Siilaanyo oo albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Axmed Devotouglu.

Kulanka kadib ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo waxay kulan albaabada u xiran yihiin ay la yeesheen raysul wasaaraha Turkiga Rajjeb Deyib Erdugan iyo madaxweynaha Turkiga Cabdallah Goul oo ku qaabilay qasriga madaxtooyada ee magaalada Ankara.

Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya Turkiga ayaa sheegaya in haatan la wado qoraalka war murtiyeed rasmi ah oo qeexaya waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masuul iyo wixii ay ku heshiiyeen.  War hordhac ah oo Raxanreeb ay heshay ayaa sheegaya in qoraalka war murtiyeedka ay saxiixi doonaan labada wasiir ee kala ah; wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Illaa hadda waxyaabaha bannaanka u soo baxay ee labada dhinacay ka wada hadleen ayaa waxaa ugyu muhimsan sii wadista kulamada labada dhinac iyo in Somaliland ay aqbasho in xiriir iskaashi ay la yeelato dawlada Soomaaliya.

Sidoo kale deeqaha caalamka siiyo Soomaaliya ayaa la sheegayaa in Somaliland qeyb laga siin doono iyadoo la sii marsiinayo dawlada federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Waa kulankii ugu horeeyay oo si fool ka-fool ah u dhexmara madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

La soco wixii ku soo kordha iyo war murtiyeedka kulanka.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles