Garoowe (RBC RADIO) Magaalada Eyl ee ka tirsan Gobolka Nugaal ee Puntland Waxaa sida ay wararku sheegayaan xalay ku geeriyooday 3 gabdho oo walaalo ah kadib markii uu kusoo booday xanuun aan la garan waxa uu yahay, Caruurtaasi ayaa sida la sheegay qandho badan ay kusoo booday kadibna Midba mar uu geeriyooday iyadoo ilaa iminka baaritaan lagu wado cudurka rasmiga ah oo ay caruurtaasi u dhinteen, sida ay sheegtay Khaadiijo Cabdi oo ka mid ah saraakiisha Caafimaadka ee ka hawlgala degmadaasi.
“ Caruurtan waa 3badho oo isku aabo ah oo yar yar Hooyadood iyo Aabohoodna lama joogaan oo waalidkood waa ay is fureen dadkale ayaa gacanta ku haya nolosha Caruurta, sida naloo sheegay markii ay casheeyeen oo ay seexdeen ayaa 8deedii fiidnimo markii ay ahayd mid lagu soo booday oo gabdhaha ka mid waxayna bilowday in ay taahdo xumad badannah jirkeeda ay qabato waa barigiina 2dii kale ayaa xanuunku asiibay, sidaas ayeeyna 3doodu ku dhinteen waana arin mucjiso ah, waxaase wali wadnaa baritaan arintan la xiriira si aan u ogaano waxa uu cudurkan yahay, sidaana waxaa tiri Khadiijo Cabdi.
Caruurtan ayaa waalidkood xili hore kala tageen waxaana hayay dadkale waxaa jiray in caruurtan aysan helin nafaqo ku filan iyo daryeel taam ah maadaama aysan jirin gacan waalid oo ay ku jiraan, taasina waxay kaliftay in Cudur aan la garan uu ku dhoco caruurtan mudo koobana nafta kaga jaro iyagoon haysan difaac ku filan maadaama ay nafaqa daro ay jirtay sida uu Saxaafada u sheegay Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Nugaal maxamed Jaamac Xirsi, wuxuuna cadeeyey in aan la ogaan wali waxa uu yahay Cudurka asiibay caruurta laakiin Wasaarada Caafimaadku ku hawlantahay ogaanshaha Cudurkaasi.
Habeenkii jimcaha ee aynu soo gudubnay ayeey ahayd markii 2 gabdho oo walaalo ah ay ku dheceen Ceel kadib markii ay u go’day dusha sare ee Ceelka oo ay Caruurtaasi ku istaageen kadib markii uu roob badan ku da’ay Ceelka Jilciyayna Dhagaxii uu ka sameysnaa taana ay kaliftay in Gabdhahaasi oo meyd ah laga soo saaro Ceelka dhacdadaasi oo ka dhacday Garoowe, waxaana hada xigtay talaabadan naxdinta leh oo ay Cudur aan lagaranayn ugu Geeriyoodeen Degmada Eyl 3 gabdho oo Walaalo ah.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.