Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kalafadhigii 2-aad kulankiisii 15-aad waxaana soo xaadiray 170 xildhibaan shirka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa shir gudoominayey kusimaha gudoomiyaha baarlamaanka ahne gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.
Kulanka baarlamaanka oo ay horyaaleen ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen u yeerista wasiirka wasaarada gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi,iyo qodobo kale oo dhowr ah,gudoonka baarlamaanka ayaa go’aansaday in kulanka maanta diirada lagu saaro arinta xasaanada mudanayaasha baarlamaanka oo marar badan soo noqnoqotay.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo jeediyey in xubnaha golaha shacabka ay fikirkooda ku aaddan qaabka loo baarayo xildhibaannada, taasi oo aan meesha ku jirin, maadaama Dastuurka dalka uu qorayo in aan la baari karin mudaneyaasha Baarlamaanka isla markaana la xushmeeyo, iyadoo la eegayo heerka ay gaarsiisan tahay xasaannadda uu Dastuurka iyo xeer-hoosaadka siiyey.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwanaaday arinta xasaanada xildhiaanada waxayna qaarkood soo jeediyeen inaan meel looga dhicin sharafta mudanayaasha isla markaane sida uu dastuurku dhigayo aan la baari karin,halka qaar kalane ay ku taliyeen in mudanayaasha baarlamaanka ay iskaga dulqaataan baarista la mariyo iyadoo la tixgalinayo xaaladaha amni ee ka jira dalka.
Markii ay mudanayaasha baarlamaanku isku mari waayeen arintaa ayaa Ku simaha guddoomiyaha Baarlamaanka ahna guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa u jeediyey golaha baarlamaanka in guddi loo saaro arrintan si ay uga soo shaqeeyaan, isagoo dhinaca kale sheegay in guddoonka uu qaadanayo masuuliyadda ah keenida qalabka Electronic- ah mudanayaasha lagu baaro, muddo Bil ahna howshaasi uu guddoonka ku soo afmeerayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho