Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Munaasabad lagu daah furayey Mashruux shaqo abuuris loogu samaynayo dhalin Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio)  Xaflad lagu daah furayey Tababar xirfado kala duwan lagu barayo ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah oo ka kala yimi degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda dowlada Soomaaliya,xildhibaano,maamulka gobolka Banaadir,Dalladaha waxbarashada dalka iyo Ururka Afro oo isagu hirgaliyey mashruucaas.

Waxaana ugu horeynba hadal ka jeediyey munaasabada Yaasiin Maxamuud Cibaar oo ku hadlayey magaca ururka Afro ee soo agaasimay isla markaane maalgalinaya mashruucan xirfadaha lagu barayo dhalinta Soomaaliyeed.

Yaasiin Maxamuud Ciibaar ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan 160 dhalinyaro ah kuwaas oo iskugu jiray rag iyo dumar,wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in haweenka waxyaabaha ay ka baran doonaan mashruuca ay ka mid yihiin Maareynta ganacsiga yar yar,habka loogu shaqeeyo Harqaanka iyo Qaababka qurxinta dumar.

Dhanka wiilasha ayuu sheegay in la bari doono waxyaabo ay ka mid yihiin Fuundinimo, iyo Cillad bixinta Moobeelada gacanta ,wuxuuna tilmaamay in tababarkani uu socon doono muddo 6 bilood oo xiriir ah isla markaane ay iyagu maalgaliyeen mashruucaas.

Xildhibaan Cismaan Libaax oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo gabagabada munaaasabada hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mashruuca nuucan ah uu yahay mid loo baahan yahay uuna faa’iido badan u leeyahay bulshada,wuxuuna tibaaxay in kaalintaas ay lahayd dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa amaan usoo jeediyey dhalinyarada ku bohowday ururka Afro ee hirgaliyey mashruuca wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu baarlamaanka hordhigi doono waxqabadka ururka wada Mashruuca shaqada loogu abuurayo 160 dhalinyaro.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles