Ufurow (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Ufurow ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ururka Al Shabaabb ay dib u qabsadeen degmadaasi kadib markii ay isaga bexeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawlada Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa.
Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay gudaha degmada iyadoo afar ruux oo ka tirsan dhinacyada dagaalamay ay ku dhinteen dagaalkaasi oo illaa barqadii maanta socday.
Qof deegaanka ku sugan ayaa Raxanreeb u sheegay in Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya ee la socday ay magaalada qabsadeen kuna sugnaayeen illaa duhurnimadii maanta balse markii dambe ay isaga bexeen.
Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa markii dambe soo galay magaalada Ufurow.
Lama sheegin dagaal kale oo magaalada ka dhacay, waxaana deggan xaalada sida wararka ugu dambeeya ay sheegayaan.
Degmada Ufurow waxay noqoneysaa degmadii labaad oo ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool oo gacanta u gasha ururka Al Shabaab. Bishii hore waxay Al Shabaab qabsatay degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool.
Maamulka gobolka Baay kama hadlin qabsashada degmada Ufurow.
RBC Radio