Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaramada Midoobe oo ku Baaqday in laga Hortago Tacadiyada loo Geysto Haweenka Soomaaliyeed

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Qaramada midoobe ayaa ku baaqday in lasoo afmeero qalalaasaha  iyo dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliyeed warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska danjiraha qaramada midoobe u qaabilsan Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa lagu sheegay in qaramada midoobe ay dhamaan Soomaalida ugu baaqeyso iney gacan ka geystaan sidii looga hortagi lahaa tacadiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Mahiga ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney sameeyaan olole lagaga hortagayo kufsiga iyo tacadiyada kale ee lagula kaco haweenka Soomaaliyeed,wuxuuna ku taliyey in la sameeyo suugaan iyo aqoon isweydaarsiyo badan oo kor loogu qaadayo in bulshadu ay ka waantoobaan dhibaatada haweenka loo geysto.

Mahiga ayaa dumarka ugu hambalyeeyey maalinta haweenka ee 8-da Maarso wuxuuna sidoo kale soo dhaweeyey doorka ay haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan dowlada cusub ee Soomaaliya oo ay baarlamaanka kaga jiraan 15% iyagoona si weyn uga dhex muuqda golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ergeyga qaramada midoobe u qaabilsan Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay wararka ku saabsan in maalmahan danbe uu sare u kacay tacadiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed,wuxuuna ka codsaday dowlada iyo maamulada dalka Soomaaliya iney baaritaano dhab ah ku sameeyaan dadka caadeystay dhibaateynta haweenka isla markaane sharciga la horkeeno.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles