Muqdisho (RBC Radio) Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxay ciidamo dhawaan gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose xildhibaan C/rashiid Xiddig oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka soo gaaray deegaanka Beerxaano ee dulaadke Kismaayo ay ka tirsan yihiin alshabaab isagooba tilmaamay inuu warar xaqiiq ah ka hayo ciidankaas.
Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa sheegay iney wax lala yaabo tahay in ciidankan oo wata gaadiidka dagaalka oo kasoo ambabaxay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ay saacado kooban kusoo gaaraan Kismaayo iyagoon wax dhibaato ah la kulmin uuna tibaaxay in wadada ay soo marayeen ay ku sugnaayeen ciidamada alshabaab balse aysan wax dhibaato ah u geysan.
Xiddig ayaa ciidankaas ku tilmaamay iney alshabaab yihiin isla markaane ujeedkoodu uu yahay iney carqaladeeyaan amniga magaalada Kismaayo wuxuuna tilmaamay iney gacan saar la leeyihiin ciidamada dowlada oo u sahlay sida uu sheegay qorshaha ay damacsan yihiin.
Xilshibaanka ayaa madaxda dowlada Soomaaliya ku eedeeyey iney arintaasi ku lug leeyihiin balse cid gaara carrabka kumuusan dhufan,wuxuuna shaaca ka qaaday ineysan suurta gal ahayn in ciidan ka tirsan dowlada Soomaaliya uusan ku sugnaan karin deegaanka Beerxaano oo uu ku sheegay Saldhigga ugu weyn ee alshabaab ku leeyahay duleedka Kismaayo.
Afahayeenka Ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolada Jubooyinka Warfaa Sh Aadan oo ka jawaabay eedda C/rashiid Xiddig ayaa sheegay in ciidankaasu ay yihiin ciidamo qaran oo loogu tala galay iney sugaan amniga magaalada Kismaayo,wuxuuna meesha ka saaray eedda loo jeediyey ciidankaas ee ah iney alshabaab yihiin,wuxuuna gaashaanka u daruuray in ciidankaasi ay ku sugan yihiin deegaanka Beeraxaani.
Warfaa Sh Aadan ayaa ku sheegay ujeedka ciidamadan gaaray magaalada Kismaayo iney sugaan amniga magaalada oo uu shaaciyey in ciidanka Jabhada Raaskaambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo ay ku guuldreyteen kasbashada shacabka Kismaayo,wuxuuna ku tilmaamay ineysan ahayn ciidan u tababaray hab ciidan isagoona intaa raaciyey in ciidanka hadda gaaray Kismaayo ay yihiin ciidan loosoo tababaray dowlada Soomaaliya ayna gacanta ku qaban doonaan sugida guud ahaan amniga Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho