Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya Maryam Qaasim ayaa shaaca ka qaaday in la mideynayo manaahijta Dugsiyada & Jaamacadaha dalka Wasiirka adeegga ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradeedu ay ku hawlantahay sidii ay ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayeen Manhaj mideysan.
Maryam Qaasim wasiirka adeegga dalka oo socdaal ku mareysay wadamada qaarada Yurub ayaa shaaca ka qaaday iney qorsheynayso in bisha September ee sanadkan dalka oo idil laga hirgaliyey Manhaj mid ah wasiirada ayaa tilmaantay iney wadaan wadahadalo iyo wadatashi ay la leeyihiin dalladaha waxbarashada dalka iyo hay’adaha ku shaqada leh waxbarshada si ay iskula meel dhigaan Manhaj mideysan oo ay wax ku bartaan ardayda Soomaaliyeed.
Wasiirada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in qorshaha wasaaradu uu yahay in marka la gaaro bisha September ee sanadkan guud ahaan dalka Soomaaliya ay ka hirgaliyaan Manhaj mideysan iyadoona tilmaantay in Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka dalka ay mid qura noqon doonaan.
Hadalka wasiirada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili ay dugsiyada dalka ka jira ay ardayda wax ku baraan Manaahij kala duwan oo laga soo minguuriyey wadamo shisheeye,kadib burburkii dowladii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay in ardayda Soomaaliyeed ay helaan Manaahij mideysan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho