Nairobi(RBC Radio) Doorashada wadanka Kenya ayaa u muuqata in lagu kala adkaaday wararka ka imaanaya xarunta Bomus ee ay ka socoto tirinta codadka ay dhiibteen shacabka dalka Kenya oo fadhi u ah gudiga madaxa bannaan ee maamulaya doorashada Kenya ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey tirintii codadka islamarkeene ay guushu raacday musharaxa Uhuru Kenyatta walow aan si rasmi ah loogu dhawaaqay.
Uhuru Kenyatta ayaa ka helay codadkii la dhiibtay 6,173,433 oo u dhigantay 50%.03 wanaana la filayaa in maanta barqadii marka ay saacadu tahay 11:AM ay gudigusi rasmi ugu dhawaaqi doonaan Uhuru ayaa ka adkaaday Raila Odinga oo ah Rwasaarha wadanka Kenya waana markii 2-aad ee Odinga looga adkaado doorashooyinka wadan Kenya iyadoonad sanadkii 2007 sidan oo kale uu ku guuldareystay hanashada xilka madaxweyne ee dalkaas.
Xisbiga CODE ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa maalmahan ka walaacsanaa sida ay u socotay doorashada dalka Kenya ilaa hada lama oga sida ay u aqbali doonaan marka ay gudigu ku dhawaaqaan natiijada doorashada,Ninka la filayo in gudigu ay maanta ku dhawaaqaan inuu yahay madaxweynaha 5-aad ee dalka Kenya ayaa waxaa ku socota dacwad ay u haysato maxkamada danbiyada aduunka ee ICC iyadoona loo haysto eedo ku saabsan kaalintii uu ku lahaa rabshadihii Kenya ka dhacay 2007.
Gudigada gacanta ku haya doorashada Kenya ayaa sheegay iney gabagabeeyeen tirinta codadka xiligane ay ku hawlan yihiin dib u xaqiijinta codadkii la tiriyey dhamaan shacabka,madaxda iyo kormeerayaasha caalamka ayaa ka wada dhursugaya saaka go’aanka kama danbeysta ah ee cidda ku guuleysatay oo lagu dhawaaqayo barqanimada maanta.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho