Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Somaliland oo qaab cusub looga xusay Maalinta Haweenka Caalamka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hargeysa(RBC):- Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ayaa maanta illaa caawa siyaabo kala duwan looga xusayey maalinta Haweenka adduunka oo siddeedda bisha Maarso sannad kasta caalamka badankiisa laga xuso, taasoo sannadkan Somaliland looga xusay qaab ka duwan sidii hore ee looga xusi jiray.

Dalladda Ururrada Haweenka Somaliland ee Nagaad iyo Ururka Haweenka ee NOW oo ay Guddoomiye guud ka tahay Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina X. Maxamed Jirde (Aamina-Waris), oo sannadihii u dambeeyey si wada-jir ah u xusaayey maalinta Haweenka Adduunka ee 08-da Maarso, ayaa maanta sidii hore ee ay u xusi jireen maalintan wax ka beddelay, isla markaana munaasibadihii fagaarayaasha lagu qaban jiray ku beddelay inay gargaar iyo caawimooyin kala duwan gaadhsiiyaan dadka dhimirka ka xanuunsanaya ee ku jira Isbitaallada magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama iyo Berbera, kuwaasoo ay u qaybiyeen munaasibaddan awgeed deeqo isugu jira Dhar, Kabo, Bustayaal iyo agab kale.Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.

Dalladda Ururrada Haweenka Somaliland ee Nagaad, ayaa caawa Xaflad lagu xusayo maalinta Dumarka Caalamka ee siddeedda Marso ku qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-waris Xaaji Maxamed Jirde, Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Adna Aadan Ismaaciil, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin ka socday Golaha Wakiillada, Xisbiga KULMIYE iyo Haween aad u tiro badan, waxaana halkaa ka hadlay Masuuliyiinta sarsare ee Dalladda Nagaad oo hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaanba Haweenka caalamka dabbaal-degga siddeedda Maarso awgeed, gaar ahaanna Haweenka Soomaalida, gaar ahaan Haweenka Somaliland.

Haweenku waxa ay ka warrameen taariikhda ay maalintani leedahay iyo muhiimadda ay Haween waynaha caalamka ugu fadhido, iyaga oo sheegay inay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuli doonaan sidii ay Haweenka Somaliland u heli lahaayeen waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin oo dhan iyo ka qaybgalka talada.

Waxay Haweenkii Munaasibaddaa caawa ka hadlay qaarkood hambalyo iyo bogaadin u direen Madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo ay sheegeen inay ugu hambalyeynayaan sida xilkasnimada leh ee ay ka qaybgalka talada dalkooda ugu oggolaadeen inay Haweenku ka muuqdaan xilalka sare ee dawladda.

Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-waris Sh. Maxumed Jirde, ayaa iyaduna hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaanba Haweenka caalamka, gaar ahaanna Haweenka reer Somaliland oo ay u rejaysay in sannadka sannadkiisa Illaahay ku gaadhsiiyo Barwaaqo, bash-bash iyo nabad-qab.

Si kastaba ha ahaatee, Xusaskii sannadihii hore lagu qaban jiray fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ayaa sannadkan u muuqda inaanay jirin, isla markaana lagu beddelay caawimada dadka dhimirka ka xanuunsan ee ku jira Isbitaallada magaalooyinka Somaliland.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles