Afgooye (RBC Radio) Israsaaseyn dhimasho fara badan geysatay oo dhexmartay ciidamo ka wada tirsan askarta dowlada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose wararka ka imaanaya Afgooye ayaa tilmaamay in isku dhacku dhexmaray ciidamada dowlada suuqa Qaadka ee magaalada Afgooye ay ku dhinteen 4 ruux oo rayid ah halka ay 5 kalane ku dhaawacmeen.
Maamulka degmada Afgooye ayaa dhacdadaas ay shacabka badan ku dhinteen ku eedeeyey ciidamo ka tirsan guutada 3-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya kuwaas oo maamulka Afgooye uu tilmaamay iney masuul ka ahaayeen dhibaatada ku dhacday shacabka magaalada Afgooye.
Taliyaha Guutada 3-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. Max’ed Rooble JImcaale “Goobaale” ayaa gaashaanka u daruuray eedda loo jeediyey ciidamada uu taliyaha u yahay wuxuuna tilmaamay in dhibaatada ay hubaal tahay iney geysteen ciidan ka tirsan dowlada balse aan ilaa hada la xaqiijin halka ay sida rasmiga ah uga tirsan yihiin.
Gen.Goobaale ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen ninkii lahaa gaariga ay saarnaayeen askarta tacshiirada furtay wuxuuna hoosta ka xariiqay iney baaritaano wadaan ay ku ogaanayaan waxa keenay israsaaseynta iyo cidda sida rasmiga ah uga danbeysay falka naxariis darrada ah ee lagula kacay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Shacabka ku nool degmada Afgooye ayaa maalmihii danbe ka nastay dhibaatada ay geystaan askarta dowlada Soomaaliya kadib markii ay tallaabooyin lagu xakameynayo ay qaaday wasaaradaha arimaha gudaha iyo gaashaandhigga oo kaashanaya talisyada ciidamada ee ka hawlgala gobolka Shabeelaha Hoose.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho