Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Maciishad Bararka Ka Taagan Dalka, Caalamkana Weydiistay Gargaar Cunto oo Deg Deg ah

$
0
0

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sicir bararka saameeyay dadweynaha iyadoo qiimaha sarifka lacagta doolarka uu hoos u dhacay 130% taasoo ciriiri gelisay nolosha dadka ku nool gudaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sababeeyay dhibaatadan cusub mid ka dhalatay hay’adaha iyo shirkadsaha tirada badan ee ka hawlgalaya gudaha Muqdisho kuwaasoo dalka soo geliyey lacag doolar ah oo fara badan iyadoo lacagtii shilinka Soomaaligana ay yaraatay.

“Sida dalkeena ay uga burbureen siyaasad iyo amni ayaana dhaqaalihii u burburay, waana taas mida keentay inaan hadda dib u habeyn ku bilawno bangigii dhexe iyo guud ahaan hay’adeheena dhaqaalaha.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawlada aysan hadda ku degdegi karin “keenista lacag shilin Soomaali ah” oo dalka la soo geliyo illaa inta si sharci ah looga diyaargaroobayo keenista shilin cusub maadaama uusan shilinku dalka ku filneyn.

“Waxaan hadda u baahanay ma ahan beeso [lacag] ee waa gargaar raashiin, caalamka waxaan ka codsanayaa in gargaar cunto oo deg deg ah shacabka Soomaaliyeed la soo gaarsiiyo si cunto ku filan suuqa u soo gasho, maciishaduna u raqiisto.” ayuu codsaday madaxweynaha.

“Waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka, walaaleheen dalalka Carabta iyo guud ahaan Qaramada Midoobay iyo dawladaha aanu saaxiibka nahay inay gargaar nala soo gaaraan oo ay buuxiyaan kaalinta maran iyo dhibaatada heysata dadka danyarta ah.” ayuu sii raaciyey madaxweynaha.

Waa hadalkii ugu horreeyay oo madaxweynaha iyo guud ahaan dawlada ka tiraahdo arrimaha maciishada sare u kacday iyo qiime dhaca sarifka lacagta doolarka taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka danyarta ee ku nool gudaha dalka.

Sarifka 100 doolar ayaa maanta ka maraya magaalada Muqdisho 1,200,000 (hal milyan iyo labo boqol kun Shilin Soomaali) halka uu bilo a hor ahaa in ka badan labo milyan iyo shan boqol kun.  Taasi bedelkeeda waxaa sare u kacay qiimaha raashiinka iyo guud ahaan quutul daruuriga.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles