Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Iska Horimaad Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Jowhar

$
0
0

Jowhar (RBC) Ugu yaraan hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay mid kalana wuu ku dhaawacmay ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwaAMISOM ay rasaas ugu jawaabeen ciidamo kuwa dawlada Soomaaliya ka mid ah oo gadoodsan kuwaasoo rasaas ku furay bartamaha magaalada Jowhar.

Israsaaseynta oo galabta ka dhacday gudaha magaalada Jowhar ayaa bilawday ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa dawlada oo ka gadooday mushaharaad la’aan ay rasaas ku fureen magaalada dhexdeeda xilli ay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM biyo ka dhaansanayeen ceel ku yaalla magaalada bartamaheeda, waxayna ciidamada AMISOM ku jawaabeen dhankooda rasaas.

Qofka geeriyooday ayaa ahaa qof rayid ah oo magaalada dhexdeeda socday iyadoo mid labaadna uu ku dhaawacmay rasaastaasi la isweydaarsanayey.

Ma jirin cid kala dhexgashay dhinacyada markii ay rasaasta isweydaarsadeen iyadoo si iskeed ah u joogsatay qadar ka dib.

Ciidamada AMISOM ayaa galabta lagu arkayey magaalada gudaheeda iyagoo amaanka sugayey rasaasa ka dib, waxaana magaalada laga saaray kooxdii askarta ka mid ahka ahayd ee rasaasta riday.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada ee ku sugan Jowhar ayaa Raxanreeb u sheegay in gadoodka uu kabilawday ka dib markii shalay qaar ka mid ah askarta dawlada ee ku sugan Shabeelaha Dhexe la siiyey musharaad halka qaar kalana aysan helin lacagtooda kuwaasoo gadoodka ka qeybqaatay.

Illaa hadda ma jiro wax xog ah oo ay saraakiisha sare ee ciidamada ka yiraahdeen iska horimaadka khasaaraha sababay ee galabta ka dhacay magaalada Jowhar.  Amaanka magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo hagaagayey bilihii u dambeeyay ka dib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ay isku fureen wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar lana qaaday isbaarooyin ay maleeshiyaadka dhigan jireen wadada.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles