Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku Eedeeyey Hoos u dhaca Sarifka Doolarka Ganacsato uu ku Sheegay Manaxayaal

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Max’uud Axmednuur Tarsan ayaa hoos u dhaca sarifka doolarka ku eedeeyey ganacsato uu ku sheegay iney yihiin manaxayaal ku naaxay dhiigga shacabka Soomaaliyeed sida uu sheegay wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney muddo 2 bilood ah aysan isticmaalin raashimada dibadda laga keeno sida BAastada iyo Bariiska isagoona tilmaamay in hadii ay bulshadu tallaabadaas ku dhaqaaqdo uu sarifka doolarka halkiisii kusoo laaban doono.

Gudoomiyaha gobolka oo kumanaan haween ah kula hadlayey magaalada Muqdisho ayaa dusha kaga tuuray eedda ku saabsan hoos u dhaca sarifka doolar oo dhamaan saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed,Tarsn ayaa shacabka ugu baaqay iney  quutul daruuriga nolol maalmeedkooda u isticmaalaan raashinka dalka sida Geleyda,Masagada iyo digirka ayna ka kaaftoomaan raashimada ay lasoo dagaan ganacsatada.

Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in qoyska Soomaaliyeed ee hore u biilan jiray 100$ Doolar aysan maanta ku fileen 200$ oo doolar taasine ay ugu wacan tahay hoos u dhaca doolarka iyo Sicir bararka ku yimid maciishada daruuriga ah,wuxuuna ugu yeeray in ganacsatadu ay u naxaan shacabka taagta daran hadii kale ay ku dhici doonto inkaarta umada ay saameysay dhibaatada ay abuureen sida ayuu yiri.

Hadalka gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili ay shacabka Soomaaliyeed la daalaa dhacayaan dhibaatada ka dhalatay hoos u dhaca sarifka doolarka oo gaartay heerkii ugu hooseysay abid iyadoona ay arintaasi kicisay guud ahaan dareenka bulshada Soomaaliyee mana muuqato ilaa hada cid isku taagtay wax ka qabashada halistan taabatay qoys walba oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles