Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20175

Dagaallo khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Galgaduud

$
0
0

Somalia: Conflict

Dhuusamarreeb [RBC Radio] Dagaallo ka dhacay maanta deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa sababey dhimashada 12 qof waxaana ku dhaawacmey tiri inta kabadan,kaddib markii laba beelood uu dagaal ku dhexmaray deegaanno ka tirsan Galgaduud.

Waxaa la sheegay inuu dagaalka ka bilowdey markii nin ka mid ah labada beelood lagu dilay shalay duleedka degmada Balanbale, taasoo keentay in dagaalku uu saaka ka qarxo deegaan lagu magacaabo Baag.

Goobaha ay sida xooggan dagaalladu uga dhaceen waxaa ka mid ah Shilinta iyo Garas-gaabta oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Guriceel iyo Balanbal, iyadoo dadkii dagaalkan ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay la kala geeyay degmooyinka Caabduwaaq iyo Guriceel.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee maamulka dowladda Soomaaliya Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaalladaas ay salka ku hayaan aano qabiil iyo dil ay dadka reer miyiga ah horay isugu gaysteen.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dagaalladu ay yihiin kuwo ku soo noqnoqday deegaanka loona baahan yahay in laga hortago khasaare intaas ka badan oo ka dhasha dagaalka.

Cirfo ayaa ugu baaqay maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Guri-ceel iyo deeegaanka Balanballe, odayaasha dhaqanka, ganacsatada maamulka Ahlu Sunna iyo qeybaha bulshada rayidka ah inay ka qayb qaataan joojinta dagaalladaas.

Dagaalladan waxaa ay ku soo aadayan xilli dagaallo ay ka soconayan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta Soomaaliya.

___
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20175

Trending Articles