Gaalkacyo [RBC Radio] Waxaa siweyn la isagu diyaarinaya soo dhaweynta la doonayo in loo sameeyo Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo ah Ugaaska guud ee beesha Tanade Daarood kaaso lugu waddo inuu berri soo gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Salaadin,Odayaal,dhallinyaro,haweyn iyo bulshada qeybaheeda ayaa ka qeyb-gali doonta soo dhaweynta Ugaas Axmed oo dalka ka maqna muddo dheer.
Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo ah Ugaaska guud ee beesha Tanade Daarood waxaa uu dalka ka maqna muddo dheer,waxaana guddi loo xilsaarey soo dhaweyntiisa ay sheegen inay siweyn isagu diyaariyen.
…”””Muddo labo toddobad ah waxaa socotey qaban-qaabada iyo isku diyaarinta soo dhaweynta Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo ah Ugaaska guud ee beesha Tanade Daarood,waxaan fileyna inuu berri soo gaaro Gaalkacyo muddo dheer ayuuna dalka ka maqna,..””sida waxaa yiri xubin ka mid ah guddiga loo xilsaarey soo dhaweynta Ugaaska.
Ugaas Axmed waxaa uu muddo ku maqna dalka Malaysia oo lagu wado inuu ka soo ambabaxo waxaana u dalka ujoogey howlo u badan dhinaca caafimaadka.
____
RBC Radio