Garoowe{RBC RADIO}Waxaa maanta siwayn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe Shiikha Caanka ah ee Maxamed Cabdi Umal oo mudo saddex bilood ah kujiray safaro kala duwan oo diini ah.
Shiikh umal oo ay soo dhaweeyeen Qaybha kala duwan ee blshada ardayda Jmacadaha Iskoolada duwagiyada Quraanka Haweenka iyo dhalinyarada, iyo sidoo kale culumo waayn wayn masuuliyiinta Dowladda cuqaasha iyo waxgaradaka reer Puntland ayaa siwayn usoo dhaweeyay Shiikha Soomaaliyeed.
Deeganka Tukaraq oo Caasimadda Puntland ujirta 65 KM ayaa looga hortagay Muftiga wayn ee soomaaliyeed shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ay weheliyaan culumo kale kuwaasi oo Jaar kula ah Socdaal Diimeed uu shiikhu kumarayo Dhulka Soomaalida, waxana uu kasoo galay Puntland Dhanka Waqooyi gaar ahaan magaalada Laascaano maalmihii ugu danbeeyay uu kusugnaa Shiikhu.
Soo galbinta Shiikh ee dhanka Caasimadda oo ay kaqayb qaateen Fardaha ay caanka kutahay Nugaal waxaa shacab aad ufara badan ay kusoo dhaweeyeen Duleedka Garoowe waxana halkaasi laga soo jeediyay khudbado Soo dhawayn ah, Shiikh Daahir AwCabdi ayaa kutilmaamay soo dhawaynta loo sameeyay Shiikh Maxamed Cabdi Umal mid farriin u ah sida Bulshada Soomaliyeed ee Reer Puntland ay ujecelyiiin culimadooda.
sidoo kale waxaa isla halkaas kahadlay duqa magaalada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor, gudoomiyaha gobalka Nugaal Cbadiqani Xaashi Cali iyo Wasiirka Caddaalada Diinta iyo Awqaafta Ismaacil maxamed Warsame waxana ay shiikh Umal kutilmaameen halyeey siwayn uga shaqeeyay diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee islaamka sidii loo baahin lahaa si aan gabasho lahayna ucadeeyay bog walba oo mugdi kagalo bulshada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa dhankiisa shiikh umal usheegay inuu yimi dalkiisi iyo dadkiisi ayna kufaraxsanyihiin dowlad iyo shacabba imaatinkiisa ayna karajaynayaan inuu cilmi diini ah oo badan ufaa’ideeyo reer Puntland.
Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa isna lahadlay boqoollaalkii dadwaynaha ahaa ee soo dhaweeyay waxana uu sheegay in aad ugu faraxsanyahay soo dhawaynta loosameyay, isagoona sheegay in Puntland ay kamuuqato kala danbayn iyo nabad waxana uu ammaaney Dowladda Puntland sida ay isugu hawshay soo dhawayntiisa, ayna bulshada iyo Dowladdaba isku arki doonaan fagaarayaan kale inta uu jooga.
Waa markii ugu harraysay ee uu shiikh Umal soo gaaro deeganada Puntland waxana uu horay usoo maray dhulka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaaliland, waxana uu Puntland kuqaban doonaa Nadwooyin iyo muxaadarooyin waawayn waxana uu tagi doonaa qaar kamid ah deganada Puntland.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe