Clik here to view.

Duqa degmada Waaciye Cabdisalaan
Waaciye(RBC Radio) Duqa degmada Waaciye ee gobolka Karkaar Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay in xal laga gaaray gaari Xamuul ah oo lagu haystay deegaanka Waaciye.
Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo Saxaafadda gudaha la hadlay ayaa sheegay in waan waan lagu soo daayey gaari kuwaXamuulka ah oo maalmo lagu haystay deegaanka Waaciye ka gadaal dadaal dheer oo ay u galeen.
Wuxuu sheegay in Gaariga ay haysteen Maleeshiyo beeleed deegaanka ah kuwaas oo arrimo la xiriirya afduub iyo aanooyin qabiil oo muddo taagnaa balse aan laga wadahadlin.
….”’Waxay ahayd Xaalado maalmihii u danbeeyey ka taagneyd degmada oo Gaadiid dad shacab ah ay leeyihiin oo niman la afduubay ayey Xaaladu ugu muhiimsan ahayd…..”’ayuu yiri Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
Duqa degmada Waaciye ee gobolka Karkaar Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay ineysan jirin wax la siiyey kooxdii haysatay gaarigaas balse waxgaradka deegaanku gacanta usoo geliyeen maamulka.
Dhanka kale,wuxuu sheegay in gaadiid kolanyo ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ku gadoomay wadada qayaadsame,isagoona xusay in gaadiidkaas kusoo jeedeen degmada Waaciye oo gaari Xamuul ah lagu haystay xiligaas.
Si kastaba waa markii ugu horreysay oo gaari Xamuul ah oo shacab leeyahay lagu qafaasho degmada Waaciye,waxaana lagu wadaa in gaarigaas dib loogu celiyo dadkii lahaa.
___________
RBC Radio