Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20180

Maxkamada Ciidanka Puntland oo sii deysay Rag Iyo Dumar ku Eedeysanaa Al-Shabaab (Sawirro+Dhageyso)

$
0
0

102_1912Boosaaso(RBC Radio) Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee gobolada Bari,karkaar,Hayland iyo Garadafuu ayaa maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed lidi ku ah dhalinayaro lagu eedeeyey qarax 31-kii bishii abril 2014 ka dhacay Beerta Colaad ee magaaladda Boosaaso…

Eedeysanayaasha oo tiradoodu ahayd 12-qof oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa maanta waxaa Maxkamadu ku sugnaa 8-kamid ah eedeysanayaasha qaraxa.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee gobolada Bari,karkaar,Hayland iyo Garadafuu Col. Cabdifitaax Xaaji Aadan

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee gobolada Bari,karkaar,Hayland iyo Garadafuu Col. Cabdifitaax Xaaji Aadan

Raga iyo dumarka lasoo eedeeyey ayaa dhammaantood lagu kala magacaabaa Cabdinaasir Bedel Joodhaa,Saynab Cabdirisaaq Cismaan,Khaliif Maxamed Xasan,Maxamuud Maxamed Cismaan,Faadumo Maxamed Cismaan,Maxamed Cali Cabdulle ,Cabdullaahi Maxamed Axmed iyo Cali Maxamed Cali.


Maxkamada ayaa si toos ah u dhageystay Taliyaha dambi-baarista gobolka Bari,waxayna intaas ka dib ay Xoriyadooda u siisay eedeysanayaasha iyadoona dib u dhigtay kiisaska afar kale oo kamid ah 12-qof ee danbiga lagu eedeeyey.

102_1913Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee gobolada Bari,karkaar,Hayland iyo Garadafuu Col. Cabdifitaax Xaaji Aadan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhammaan fasax yihiin balse afarta kale dib loo dhigay Kiisaskooda.

Si kastaba Maxkamada ciidanka qalabka sida ee gobolada Bari,karkaar,Hayland iyo Garadafuu ayaa marar badan riday xukuno kala duwan,waxaana ay talaabadan noqoneysaa mid loo qaaday dhanka Xoriyadda.

 

______________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20180

Trending Articles