Hargeysa (RBC) Iyadoo weli uu taagan yahay khilaafka sii cuslaaday ee ka dhex jira xisbiga talada haya ee maamulka Somaliland ayna jiraan qaraxyo weli ka dhacaya Magaalada Hargeysa ayaa waxaa arrintaasi ka digay guddoomiyaha xisbiga ee labada garab u kala jabay Muuse Biixi Cabdi.
Muuse Biixi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabay eedeymo dhowaan uga yimid madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, oo ku eedeeyay garabka Muuse Biixi inay masuul ka yihiin qaraxyada laga maqlay Hargeysa.
Muuse Biixi ayaa dhankiisa si kulul u weeraray madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, wuxuuna sheegay in amni darrida iyo qaraxyada laga maqlayey waayadan dambe Hargeysa ay yihiin kuwo ay kiciyeen garabka madaxweyne Siilaanyo, ayna uga gol leeyihiin inay ugga faa’ideystaan khilaafka jra si ay u jahwareeriyaan, sida uu yiri.
“Waxaanoo dhan waxaa loo samenayaa waa markii aan anugu sheegay musharax inaan ahay, waa la qeyliyey, dad baa dhibaato loo geystay oo la xiray,” ayuu yiri Muuse Biixi.
“Xariga siyaasiga ah ee dad loo xiro, sida midka wasiir ku xigeenka gudaha C/laahi Abokor waa xarig siyaasi ah, waxaan leenahay xariga siyaasiga ah ma keenoo waxaan ka ahayn colaad sokeeye iyo dhibaato hor leh, halaga waantoobo oo dadka xirana haloo soo celiyo xoriyadooda,” ayuu sii raaciyey.
Muuse Biixi wuxuu tilmaamay in cid kasta oo Somaliland joogta beel iyo shakhsiba ay heystaa hubkooda, cidna aan lagu eedeyn karin inay hub heysat.
“Guri walba hub waa yaalla, waana arrin diintu ogoshahay in haddii laguugu yimaado naftaada, nasabkaaga iyo reerkaaga inaad is daafacdo,” ayuu yiri guddoomiyaha Kulmiye.
DHEX DHEXAADINTA GUURTIDA
Guddoomiyaha Kulmoye mar uu ka hadlayey dhex dhexaadinta ay ka dhex wadaan guurtida ayaa wuxuu ku sifeeyay nasiib darro in guurtida ay soo farageliso khilaaf xisbiga talada haya ee Kulmiye ka dhex jira balse dhankooda ay ogol yihiin in nabad wax lagu dhameeyo.
Hadalka Muuse Biixi ayaa soo baxay maalmo kadib markii uu war uu soo saaray madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu eeda dhibaatada xisbiga ka dhex jirta iyo amni darrida ku soo saa’iday Hargeysa uu dusha ka saaat garabka Muuse Biixi.
RBC Radio