Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20307

Dawladda Puntland oo Kalluumeysiga Shaci darrada ah u Aqoonsaday Masiibo Qaran(Sawirro)

$
0
0

DSC_7751Boosaaso(RBC Radio) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka hadlay kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu hayo Xeebaha Puntland ayaa sheegay in wixii laga bilaabo 01/06/2014 Puntland u aqoonsatay Masiibo Qaran.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Sheegay In lagabilaabo manta (01/06/2014),Dawladda Puntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay masiiboqaran.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Sheegay In lagabilaabo manta (01/06/2014),Dawladda Puntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay “masiiboqaran.

DSC_7795Kalluumyasiga sharicdarrada ahi waa mushkilad caalami ah oo dhibaato weyn kuhaysa waddamo badan oo xeebaley ah, Soomaliyana ka mid tahay.

Iskudar, waxaa adduunka laga xadaa kalluun qiimihiisa lagu qiyaasay sannadkii inta u dhaxaysa afar (4) ilaasagaal (9) billion oo dollarka Maraykanka ah.

Waddamada ka hooseeya Saxaraha, oo ay Soomaaliya kujirto, waxay ku waayaan kalluumaysiga sharcidarrada ah lacag dhan hal (1) billion oo dollar sannadkii.

Sidoo kale, Soomaliya kaligeed waxaa laga dhacaa kalluun qiimihiisu gaarayo 300 million oo dollar sannadkii,sida ay muujinayaan warbixinno caalami ah oo meelo kaladuwan ka soobaxay.

Nasiibdarro, lacagahaan looma qiimayn qalabka laga burburiyo kalluumasatada, kalluunka laga daadiyo,

Dhibaatooyinka soo gaara degaanka iyo saamaynta xun ee ay kuleeyihiin nolol maalmeedka bulshooyinkaas.

Haddaba:

  • Markaantixgeliyey,talosoojeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda,
  • Markaan soo arkay dhibaatooyinka kajira deegaannada xeebaha ee uu keenay kalluumaysiga sharcidarrada ah,
  • Markaan tixgeliyey cabashada iyo qeylodhaanta ka soo yeeraysa bulshooyinka xeebaha deggan iyo hey’adaha ku hawlan ilaalinta degaanka iyo tashiilka
  • noolaha badda,
  • Markaan arkay qaraarrada iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya la dagaallanka kallumaysiga sharcidarrada ah,Soomaaliyana ay qeybkatahay,
  • Markaan ogaaday boobka iyo dhaca lagu hayo kheyraadbadeedkeenna iyo cawaaqibxumada kadhalankarta haddii aan si degdeg ah wax loogaqaban.

Waxaan go’aamiyey:

  1. In lagabilaabo manta (01/06/2014),DawladdaPuntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay “masiiboqaran”,
  2. In loo jiheeyo awoodda Dawladda iyo bulshada reer Puntland la dagaallanka kalluumasiga sharcidarrada ah,
  3. In lala tiigsado sharciga cid allaaliyo cidii (Soomaliiyo ajnebiba) ku hawlan kalluumasiga sharcidarada ah biyaha Puntland,
  4. In Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Baddu ay meelmariso xeerarka kalluumaysiga Puntland,sida ugu dhakhsaha badan.
  5. In ciidanka ilaalada baddu uguto waa jibaadkooda ku aaddan la dagaallanka kalluumaysiga sharcidarrada ah,kana hawlgalo dhammaan biyaha Puntland

Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka iyo waddammada aan saaxiibkanahay in ay gacan nagu siiyaan dagaalka kadhanka ah kalluumaysiga sharcidarrada ah.

-DHAMMAAD-

DSC_7757 DSC_7760 DSC_7805 DSC_7809 DSC_7815 DSC_7816 DSC_7818 DSC_7820 DSC_7824

____________

RBC Radio/Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20307

Trending Articles