Image may be NSFW.
Clik here to view.Nairobi [RBC Radio] Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo markale ku gulaystay in loo soo doorto degmada Kamakunji ayaa ka hadalay waxa uu xiligan maadama markale ladortay uu qaban doono,Yuusuf Xasan ayaa sheegay inuu isu taagayo sidii hormar latigsan karo uu ugu hoorsedi laha degmada Kamakunji.
Yuusuf oo bishii August ee sanadkii 2011 ku guuleystay doorasho ku celis ahayd oo degmada ka dhacday ayaa mar kale helay kursiga shanta sano ee soo socota, doorashadii dhawaan dhacday.
Kamakunji oo ay ka tirsan tahay xaafadda ay Soomaalida sida weyn u degto ee Islii ayaa uu xildhibaanku uu sheegay inu wax qabadkeda iyo hormarinteda uu dar-dargalin doono.
Xildhibaankan oo ka tirsan xisbiga qaranka ee TNA oo uu hoggaamiyo musharraxa madaxtinimada Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa mahad celin balaraan usoo jeeduyay dadka doortay inuu markale xilkan uu kusoo labto isagona sigara farta ugu fiiqay dadka Soomaaliyed ee dortay.
Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa xiligaan wali ah dhawac kadib qarax lala egtay isago kusugan xaafadda Islii ay Soomaalidu dagto.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska Wararka Gaalkacyo