Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in wadamada Sucuudiga iyo Masar ay dhawaan Safaaradahooda dib uga furan doonaa magaalada Muqdisho ee Caaasimada Soomaaliya wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah xukuumada Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka wasiirada arimaha dibada ee ka dhacay magaalada Qaahira ayaa shaacak ka qaaday arinkaas.
Dr Max’ed Nuur Gacal wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in waftiga ka socda dowlada Soomaaliya ay magaalada Qaahira kula kulmeen masuuliyiinta ugu sareysa wadamada Jaamacada Carabta isagoona tilmaamay iney siyaabo kala gooni gooni ah ula kulmeen madaxda ka kala socotay wadamada Carbeed ee kulanka ka qeybgalay.
Dr Gacal ayaa sheegay iney la kulmeen wasiirada arimaha dibada wadamada Masar iyo Sucuudi Carabiya kuwaas oo uu sheegay kadib wada hadal dhex maray wadamadaas iyo Soomaaliya ay isku afgarteen in labadaas dalka ay Safaaradahooda ka furtaan dalka Soomaaliya oo hadda kasoo kabanaya dagaaladii sokeeye.
Wasiiru dowlaha xukuumada Soomaaliya Dr Max’ed Nuur Gacal oo la hadlayey Laanta Afka Soomaaaliga VOA-da ayaa sheegay in wafti uu hogaaminayo xoghayaha guud ee ururka Jaamacada Carabta uu booqasho ku imaan doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in wasiirka arimaha dibadda Masar uu Muqdisho socdaal ku tagi doono 10-ka bishan March taasine ay qayb ka tahay sida ay wadamada Carabtu u daneynayaan arimaha Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho