Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xuska Maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso oo Maanta si weyn looga Xusay magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Maalinta Haweenka Aduunka ee  8 Maarso ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kumanaan haweenka gobolka Banaadir oo ka kala yimi 17-ka degmo ee gobolka Banaadir oo ku labbisan dharka hidaha iyo dhaqanka ayaa ilaa saaka aroornimadii hore lagu arkayey wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Boqolaal haween ah oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta gaada ka ciyaar kusoo bandhigay   wadada Makka al-Mukarama iyagoo ay horsacdeen Ciidamada Baambeyda tallaabadaasi oo qayb ka ahayd xuska maalinta 8-da Maarso ay u sameynayaan haweenka Soomaaliyeed.

Haweenkii kala kala yimi 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyntii iskugu soo ururay Fagaaraha Daljirka Dahsoon halkaas oo ay ka dhacday xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ay ka qeyb galeen ururada haweenka Soomaaliyeed masuuliyiin ka socotay dowlada Soomaaliya iyo  maamulka gobolka Banaadir.

Batuulo Sheekh Axmed Gabballe oo ah gudoomiyaha haweenka qaranka Soomaaliyeed oo hadal ka jeedisay munaasabada xuska 8-da Maarso ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay soo mareen marxalado adag oo aan laga sheekeyn karin xiliyadii burburka waxayna tibaaxda iney hiil iyo garab waayeen dumarka Soomaaliyeed balse waxay dhanka kale yididiilo wanaagsan ka muujisay xiligan oo dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah in haweenku ay dib u heli doonaan dhamaan xuquuqihii ay lahaayeen ee la duudsiiyey waqtiyadii fowdada iyo kala danbeyn la’aanta,waxayna wax lagu farxo ku tilmaantay iney maanta si nabad galyoah  ugu dabaal dagaan wadooyinka Muqdisho iyagoon dareemeen wax cabsi iyo wel wel ah.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Max’uud Axmednuur Tarsan oo isne goobta ka hadlay ayaa sheegay in haweenku ay yihiin laf dhabarka bulshada Soomaaliyeed wuxuuna cadeeyey in haweenku ay laba jeer badbaadiyeen umada Soomaaliyeed,Tarsan ayaa sheegay in xiliyadii gobanima doonka ay haweenka dahabkooda u iibiyeen si dalka loogu xoreeyo arintaas oo kaalin weyn ka geysatay xoriyada ay maanta shacabka Soomaaliyeed ku naaloonayaan.

Gudoomiye Tarsan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haweenku ay mar labaad badbaadiyeen umada Soomaaliyeed isla markaane ay ka samata bixiyeen dhibaato ba’an oo ku habsatay taasoo ahayd markii uu burburay qarankii Soomaaliyeed in haweenku ay u guntadeen soo dhicinta  nolol maalmeedka qoysaska Soomaaliyeed oo haweenka la’aantooda aan ka kabsadeen dhibaatada ku dhacday.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles