Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Safaaradda Soomaalida ee Koonfur Afrika Oo eedaysay Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkasi.

$
0
0

K/Afrika [RBC Radio]Safaaradda Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa eedeyn dusha ugu turtay jaaliyadda Soomaalida ee dalkasi kadib marki balanqadyo ku aadan ka qaybqaadashad furitanka safaaradda oo ay horay jaaliyaddu balanqaday inay door muuqda ka qadanayso ay san wali fulin.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika Sayid Shariif C/laahi ayaa waxaa uu sheegay in ilaa xiligaan an doorkoodi lahayeen jaaliyadda ee ku aadna sidii safaaradda loo howlgalin lahaa waxana uu intaas ku daray inay jaaliyaddu warbaahinta ka sheegto inay iyagu doorka ugu muhimsan ka qadanayan sidii loo howlgalinlahaa safaaradd ay Soomaaliya dalkasi ka howlgasha.

Sayid Shariif ayaa intaa raciyay in ay safaaraddu ubahantay dhaqalo lugu howlgaliyo taasina loga bahan yahay inay jaaliyaddu iyado isku xilsarto maadaama Koonfur Afrika ay kamitahay wadamada sida wayn dhibatada loogu gesto tasina ay wax kabadali karto haddi safaaraddu siwanagsan ay ushaqayso ayna laxisaabtami doonto ciid kasta oo dibaato ugaysata dadka Soomaaliyed ee ku dhaqan dalkasi.

Safiirka Afrikada koonfureed u fadhiya Soomaaliya ayaa sidoo kale hadalkisa waxa uu uga warbixiyay kulamo ay safaaradda iyo jaaliyadduba laqateen wasiir kuxigeenka arimaha dibada Soomaaliya Dr.jamaal baroow waxana uu sheegay inuu kulanka aywada qateen uu ahaa mid layslasoo qaday arimo farabadan iyo sidii looyarenlaha dhibaatada loo gesto dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi waxana uu sheegay inuu kulankaasi ku dhamaday is afgarad.

Dhinaca kale waxa uu safiirku soo hadal qaday inay ku gulaysten in xayiraadi laga qaday dad Soomaali ah oo dowladda Koonfur Afrika ay diiday inay dalkooda dib ugu noqdan waxana uu caddeyay inay xiligaan safaaraddu ay soo dhamaysay in dadkasii ay dalkooda dib ugu laabtan ayna diyaarad markii ugu horaysay oo dad Soomaali ah oo si sharci daro ah ku jogay dalkan ay kaga baxaan Koonfur Afrika.

Gabagabadi ayaa safiirku ku dheeraday marxalada ay xiligaan safaaraddu ku shaqayso isagona sheega in xiligaan muddo bil ah ay safaradu furantahay howlahedina ay sicaadi ah usocdan inkasto uu baaq u jeediyay dadka Soomaalida ah waxana uu ugu baaqay inay ka qaybqaatan hormarinta safaaradda si howlo badan ay ugu qabato dadka Soomaalida ah.
Koonfur Afrika waxa ay kamid tahay maleha dhibaha ugu badan ay kala kulmaan dadka Soomaalida ah oo inta badan si sharci daro ah kugala iyagona halkaasi dhib badan lakulma,Soomaalida halkasi ku dhaqan ayaa ah intooda badan dad ganacsato ah.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiidka wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles