Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ka warbixyey safarkii wafti uu hogaaminayo ay ku tageen deegaanada gobolka Galgaduud R/wasaare Saacid ayaaa Safarka Galgaduud ku tilmaamay inuu ahaa mid guuleystay oo laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa.
wuxuuna sheegay inuu wax badan kasoo bartay safarkaas isagoona sheegay iney Dhuusamareeb ka bilaabeen Safarkooda walibane ay ku beegmeen xili ay qorraxdu aad u kulushahay balse wuxuuna tilmaamay iney la kulmeen kumanaan kamid ah shacabka magaalada Dhuusamareeb oo soo dhaweynta waftiga Dowlada u taagnaa muddo dheer arinkaasoo uu sheegay iney dareenkooda wax badan ka bedeshay ayna xaqiiqsadeen rabitaanka dowladnimo ee ay qabaan bulshada Gobolka oo meel kasta oo waftigu uu gaaro si diiran ugu soo dhaweeyey.
R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa tibaaxay iney shacabka u sharraxeen mabaadii’da dowlada cusub ee ka dhalatay dalka Soomaaliya wuxuuna hoosta ka xariiqay iney bulshada u sheegeen fikirka dowlada oo ah in dowladu ay tahay dadka isla markaane rabitaanka iyo sida ay doonayaan wixii aan ahayn aysan ahayn dowladnimo.
R/wasaaraha ayaa sheegay iney bulshada Galgaduud u bandhigeen iney taageeraan dowlada Soomaaliya wuxuuna tibaaxay in markii ay shacabka kala hadleen waxyaabaha ay doonayaan ay u sheegeen in dowlada Soomaaliya ay ka taageerayso wixii kalaankeeda ah,wuxuuna carrabka ku dhuftay iney gacan kasiinayaan shacabka Galgaduud dhinacyada Amniga iyo Horu marka,wuxuuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in shacabka Galgaduud ay garab taagan yihiin dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho