Buusaar(RBC Radio) Maamulka deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan deegaanadaasi ay dhibaata ba’an ku hayaan ciidamada ururka alshabaab gudoomiyaha deegaanka Buusaar Iftiin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in alshabaab ay dhibaato xooggan ku hayaan shacabka deegaankaas.
Gudoomiyaha Buusaar ayaa tilmaamay in alshabaab ay boob ku hayaan hantida shacabka ku dhaqan deegaanka Buusaar sida uu hadalka u dhigay wuxuuna tibaaxay in shacabka xoolahooda si xoog ah ku qaataan,gudoomiyaha ayaa sheegay iney jirdil joogta ah ku haya shacabka deegaanadaas.
Wuxuuna sidoo kale sheegay iney dilaan dadweynaha rayidka ah ee ku nool Buusaar isagoona tibaaxay in alshabaab ay caqab ku yihiin taageeradii hay’adaha gargaarka ay la gaari lahaayeen dadka ku nool deegaanadaas oo sida uu sheegay ahaa xoola dhaqato kuwaas oo abaarihii dalka ka dhacay ku waayey xoolahoodii.
Gudoomiye Iftiin Xuseen ayaa alshabaab ku eedeeyey iney dadka deegaanka ku hayaan dhibaato aan kala go’ lahayn,alshabaab ayaa dhawaan deegaanka Buusaar ku dilay gudoomiye kuxigeenkii maamulka Buusaar iyo madixii arimaha bulshada deegaanka Buusaar ayaa waxa xiligan ah furin dagaal oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa alshabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho