Madax-weyne Xasan“Hubeey…Federaal noocee ah?!” laakiin dadka qaar baa labo raba..seddex raba!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maarso 08 2013
SHaki la’aan Xasan SHiikh Max’ud iyo kooxda la socota waxay u haystaaan ama talaabadaan cuna qabataynta hubka looga qaaday ay ku tilmaamayaan guul ay dowladda gaartay, sidii aan horayba libta ugu sheegteen aqoonsigii dowladda Maraykanka , hasa ahaatee arrintu ka baaxad weyn kana xanuun badan wax laysugu hambalyeeyo sida ay madax-weyne Xasan SHiikh iyo kooxdiisa la tahay, waxaana bilowday walaac iyo kala shakin aan la garanayn meel uu ku dhammaan doono.
Mid iyadu way iska muuqaataa oo waxaa loo daneeyay waa suuqyada hubka iyo dalalka ka ganacsada oo shaki la’aan magaca ummadda Soomaaliyeed deyn badan looga soo qaadan doono hub gaboobay oo waqtigiisii dhammaaday, waxaa kaloo iyadana uusan shaki ku jirin in wadamo badan oo uu u horeeyo dalka Turkiga ay hub badan oo aan xisaab lahayn oo ku raagay makhaasiinadooda ay u soo rari doonaan Soomaaliya, haddii ay doontaba ha uga jeedaan inay dhisayaan cudud Soomaaliyeed.
Waxaana dhaqso kor ugu kacaya saaxiibo badan iyo dulaaliin suuqyada madow ah oo ku soo yaaca Soomaaliya, dalalka deriska ah oo ay ugu horeeyaan Djibouti, Itoobiya, iyo Kenya ayaa iyagana shaki weyn uu ka geliyaa sugnaanta ammaanka xuddudahooda, waxaana si baahsan faraha uga baxaya faafitaanka hubka iyo kala iibsashadiisa, waxaana taas gacan ka geysanaya labo arrimood oo muhiim ah; shakigii iyo kalsoono darradii dadka dhex gashay muddadii burburka oo aan wali laga dawoobin, gacanta hubka uu gelayo oo aan ahayn mid mas’uuliyaddaas u taba baran, markaas waxaa suura gal noqon kara khatar kasta inay ka dhalato.
Waxaan iyadana muran ku jirin in deegaano badan oo dalka ka mid ah xasiloonida ka jirta ay qayb weyn ka ahayd hubka oo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gabaabsi gaaray, laakiin waxaa hadda soo noqonaya tartankii hubka iyo ka ganacsigiisii shacabka, ma aha waxyaabaha aan sheegayo in cududaha golaha ammaanka maamula aysan ka war qabin waliba way inoo xog ogaalsanyihiin wayna u sawirantahay xaaladda iyo saamaynta uu hubka Soomaaliya ku yeelanayo, hasa yeeshee waxaa jira dano innaga qarsoon oo ay dalkeena ka leeyihiin oo taas ku qasbaya, wax dan ahna kama laha xuquuqul-insaan iyo cidddi ay wax ka soo gaarayaan marba haddii ay iyagu danahooda ku gaarayaan sidaas.
DHinaca kale, kooxda Al-shabaab ee ku caan baxday kharbudaadda iyo duminta ummadda Soomaaliyeed waxay talaabadan ah in la qaaday cuna qabataynta hubka siinaysaa fursad u sahasha inay hub hesho, sidee?…waan wada garan karaan in dhalin yaro badan oo ka mid ah bulsho-weynta dhalin-yada Soomaaliyeed ay hadda xubno ka yihiin Al-shabaab, iyadoo qaarkood ay cabsi ku qasabtay inay xubno ka noqdaan si ay naftooda u badbaadiyaan kuwana ay yihiin kuwo la caqli dooriyay oo dadka aan iyaga ka tirsanayn u haysta dad cadow ah, dhalin yaradaas ayaa si baahsan ugu kala jira qaybaha kala duwan ee shaqaalaha dowladda iyo ciidammada,sidaasoo kale mehradaha dalka iyo dibaddiisaba Soomaalidu ku leedahay, taasina waxay sahlaysaa in hubku si fudud uu gacantooda ku galo.
Mas’uuliyadda hubkan la rabo in Soomaaliyo lagu fataho waa mid run ahaantii aan la xaqiijin, marka aan sidaas leenahay ulama jeedno in dowladdu aysan mas’uul ahayn laakiin mar haddii kalsoonida shacabka dhexdooda ah ayan gaarsiisanayan inay salka ku hayso kalsooni ay ku qabaan dowladda ay taas macnaheedu tahay in khatarta hubkaas ka imaan karaysa ay mid weyn tahay isla markaasna aan la hubin gacanta uu gelayo.
Dowladaha waaweyn u ololeyniyay qaadist cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya ayaa iyagu agenda-yaasha ay wataan uu yahay mid iska kooban oo waxa ugu muhiimsan ay noqon karaan in kooxda Al-shabaab la dagaalankeeda ay u adeegsadaan dad aan dadkooda ahayn, laakiin uusan marna ahayn in haybadddii qaranimo ee Soomaaliya (Somali Sovereign) ay soo noqoto, ama haddii kale heshiisyada macaadinta ee dowladda federalka Soomaaliya la galay ee sharci darrada ah intaas dhaafsaday, marka u dambaysana dayn innagu soo sheegan doona.
Waxaa iyadana is weydiin ka taagantahay taageerada degdegga ah ee dowladda Maraykanka si cuna qabataynta hubka Soomaaliya looga qaado?! Maxaa is bedelay wax weyn oo qarsoon ayaa jira, dad badan ayaa tuhmaya in Maraykanka aan wax yar laga iibin, nabarkaasna uu yahay doog qarsoon oo Soomaaliya dhex jiifta, waxaan iyadana cadayn dulaalnimmada ay dowladda Qatar samaynayso waxa ay salka ku hayso, iyadoo waliba warar horay u soo baxay ay sheegayeen inay iyada dhaqaalo ku bixiso ururka Al-shabaab.
Madax-weyne Xasan oo asaga sida muuqatay aad u jeclaystay in cunaqabataynta hubka laga qaado ayaa qorsho intaas ka durugsan oo ku qasbay arrintaas aan marna sheegin inuu yiraahdo waxaan kula dagaalamayaa argagixiso mooyee, taasoo marka la fiiriyo mujtamaca Soomaaliyeed noqotay Muruqa Laba Suule Ninba Si Ku Ah!…isla markiina waxaa dhashay shaki iyo isu diyaarin colaadda la qiyaasiyo inuu u soo tafo xaytay madax-weynaha. Haa waa madax-weynihii dalka, waa madax-weynihii ay doorteen golihii Soomaalidu soo xulatay laakiin isagoo aan lafo gurin tuhunkii aloosnaa ee dadka Soomaaliyeed la dhex dhigay ayuu bilaabay ololahaas.
Arrinta kale ee culayska weyn ah waxay tahay in madax-weynuhu ku wareersanyahay nidaamka federal-ka ah isagoo waliba dhinaca kalana ku celcelinaya inaan laysku khilaafsanayn Federalism-ka, marar badan baan madax-weynaha ka maqlay ama aad adinka laf ahaantiina ka maqasheen waxaa laysku haystaa Federal noocee ah ?! weedhay ninna si kuu yiri ninna si kuu qaaday! waxaan garan waayay weydiintaas madax-weynaha aan dhowr jeer maqlay isagoo ku soo celcelinaya waxa uu ula jeedo laakiin isagaa fududeeyay oo talaadadii (Feb.05,2013) mar uu weydiimo uga jawaabayay dad-weyne ku waraysanayay xarunta telefishinka Al-Jaziira Ee Cilmi Baarista (Al Jazeera Center For Studies)ee Dooxa ee dalka Qatar.
Ninkii ugu horeeyay oo aan u malayniyo inuu Soomaali ahaa baa isagoo af carabi ku hadlaya weydiiyay “Madax-weyne ma kula tahay in habka federalka uu u fiicanyahay dadka Soomaaliyeed ee hadda ka soo kabsanaya burburkii ka soo gaaray dagaallada, mise kuula muuqataa in habka federalka uu Soomaaliya dib ugu celinayo dagaalladii Sokeeye?” madax-weynaha ayaa markuu weydiintaas ka jawaabayay sheegay inaan hadda laysku haysan in federal la noqdo iyo in kale laakiin arrintu ay tahay sidee iyo noocee?! “…dadka qaar baa laba gobol oo federal ah, Somaliland iyo inta kale, kuwaa qaba inay noqoto seddex Somaliland, Puntland iyo inta kale…” xaqiiqa ahaan sida aan wax badan qiyaasayay madax-weynuhu labadaas midkood buu jeclaan lahaa, hasa ahaatee wuxuu ka boodsanyahay dowladaha samaysmaya ee dowladaha federalka ka mid noqonaya tiradooda inay ku xirantahay hadba tirada ka soo baxda gobollada isku af garta inay noqdaan dowlad ee kuma xirna in isaga, xukuumad iyo barlamaanka la weydiiyo inta dowlado (States) ee samaysmiya.
Sida hadda madax-weyne Xasan uu doonayo inuu u abbaaro dowladaha fedeeralka ah ee samaysmay ayaa ah midda ay qabto Somaliland oo isagu si aad ah u raadiyo inuu waji ka samaysto, laakin wuxuu iska indho tirayaa khilaafka gobolka oo dhan ka jira, reer Awdal, reer Laascaanood, Buuhoodle, Sanaag, deegaannadaas iyo khilaafka ka dhexeeya deegaannada Woqooyi Galbeed iyo Togdheer, oo ay waliba dheertahay faro gelinta Djibouti.
Waxaadna moodaa madax-weynaha iyo Axmed Ismaaciil Samatar inay soo sheekaysteen, laakiin waxaan marna suuro gal noqonayn cid kasta ha ku riyootee in federal ahaan iyo qaybsiga awoodda siyaasadeed oo isu dheeli tiran aan lagu salayn karayn labo gobol iyo seddex gobol sida ahdda uu malaha jeclaan lahaa madax-weyne Xasan inuu kula xulufoobo gobollada qaarkood.
Waxaana hadda soo if baxaya in wax weyn ay ka khaldanyihiin golaha shacabka oo aan marna ka hadlin siday sharci u tahay inay dowladda u magacowdo madaxda gobollada iyo degmooyinka dalka, dad badan ayaa rumaysan in golaha shacabka uu u af duubanyahay madax-weynaha taasna uu gacan weyn ka geystay af-hayeenka golahaas mudan Max’ed Cusmaan Jawaari, waxayna dad badan hadda qabaan inay jirto caga juglayn iyo cabsi gelin faro badan oo xubnaha qaarkood ku qasabtay inay iska aamusaan, waxaana taas u daliil ah dhacdadii u dambaysay ee keentay in Xil-dhibaan cabdirashiid Xiddig uu ka cararo Muqdisho.
Sidaasoo kale wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa tilmaamaya in xubno badan oo ka tirsan barlamanka ay walaac weyn ka qabaan ammaankooda, waxaana raggaas ka mid ah af-hayeenkii hore ee barlamanka SHariif Xasan SHiikh Adan, waxaana jira rag kale oo iyagana aan ku nagaan magaalada iyagu tuhun ka qaba ammaanka naftooda.
Waxyaabo badan oo khaldan waxaa kaalin weyn ka ciyaaraya dhaqanka ninka ra’iisal wazaaraha ah oo run ahaantii la oran karo maba fahmin xilkiisu wuxuu ahaa, ra’iisal wazaaraha Cabdi F. SHir-doon wuxuu ku mashquulay kormeer iyo maamul aan sharci ahayn inuu u soo sameeyo gobollada iyo degmooyinka dalka, meeshii loo baxsan lahaa ee wax sixi lahayd ee golaha shacabka ahaydna waxaa run ahaan la oran karaa waa u bareereen inay ka qayb qaataan xad gudubyada dadka iyo dalka lagu hayo, hasa ahaatee waxaan talada ugu dari lahaa kolayba ma qaadi karaan mas’uuliyadda cirib xummada ka imaan karaysa sida hadda arrimuhu yihiin, marka soo haboonaan lahayn inta goori, goor tahay inay hadda wax saxaan?!…
Waxaa iyadana wali la sugayaa oo aysan dowladda soo hadal qaadin marna dhismaha aqalkii sare ee barlamanka kaasoo qayb ka ah hay’adaha sharci dejinta iyo ansaxinta, waana aqalka ay ahayd in la soo mariyo waxa kasta oo ka soo gudba dhinaca barlamanka, sababta aan ilaa iyo hadda loo soo hadal qaadin maxay tahay?…Yaab! anigu qofka kale wax weydiin mayo, dhammaan cidda ay weydiimahaygu ku socdaan waa madax-weynaha oo runtii aan is leeyahay su’aalaha dhammantood isaga ka wada jawaabi kara!…
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM