KISMAAYO (RBC) Si aan wax badan uga ogaado xaalada waxbarasho ee ay heystaan dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose waxaan booqday qaar ka mid ah dugsiyada ku yaalla Kismaayo. Si la mid ah magaalooyinka kale ee dalka, waxbarashada Kismaayo waa lacag.
Maamulaha dugsiga Ganaane oo ah dugsi ay lahayd dawladii hore ee Soomaaliya haddana ay gacanta ku heyso hay’ad maxalli ah ayaa ii sheegay in ardeyga dugsiga sare dhigta uu bixiyo $10 (toban doolar) bil kasta, halka ardayga dugsiga dhexe dhigtana uu bixiyo $8 doolar bil kasta. Waxay taas ka dhigan tahay in waalidiinta tababarta yar aysan waxbarasho u heli karin carruurtooda maadaama aysan awoodi Karin inay bixiyaan lacagta waxbarashada.
Kismaayo kuma arkin jaamacado fara badan oo ka furan. Waxaa hadda shaqeeya labo jaamacadood oo kala ah Jaamaca Kismaayo iyo Jaamacadda “Jubbada Hoose” oo la ii sheegay inaysan weli arday qaadanin. Jaamacadda Kismaayo maalmahan ma furna waayo xaruntii jaamacadda waxaa la dejiyey ergada shirka maamul u sameynta Jubbooyinka ee dhowaan Kismaayo ka bilawday ardaydii jaamacada fasax ayaa la siiyey.
Dadkii aan la sheekeystay waxay ii sheegeen in xaalada amni iyo isbedeladii had iyo jeer saameyn jiray Kismaayo ay niyadjebisay aqoonyahano badan oo furi lahaa macaahid iyo jaamacado wax lagu barto si la mid ah gobollada kale ee dalka.
Saameynta maqnaashaha hay’adaha
Waxaan mar walba dareemayey doorkii hay’adaha horumarinta iyo kaalinmta dawladeed inay tahay tan ka maqan dadka ku nool gobolkan. Kismaayo kuma arkin xeryo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, taasi micneheedu ma ahan in dad soo barakacay ama aan hoy lahayn aysan ku nooleyn magaalada, ee sida la ii sheegay waa xaalad waqtigu keenay. Xayiraadii Al Shabaab ay saartay hay’adaha samafalka, dadka oo bilaabay inay isku tashadaan iyo amni darri mudo dheerba heystay magaalada Kismaayo ayaa sabab u noqotay in la wada xiro xeryihii ay ku noolaayeen barakacayaasha.
Mid ka mid ah odayaasha waayo jooga ah ayaa igu yiri “dadka Kismaayo kala bar waa barakacayaal guryo dhagax degan, sidaas unbay kaga duwan yihiin barakacayaasha cooshadaha degan”.
Qaadka iyo Kismaayo
Si la mid ah deegaanada Soomaalida, Reer Kismaayo waxaa fara ba’an ku haya Qaadka oo dhaqaale fara badana ku baxo, dhalintiina noloshooda baabi’iyey. Diyaarad weyn ayaa subax kasta abaare 11:00 barqanimo Qaad laga keenay Kenya ka soo dejisa garoonka diyaaradaha kaasoo baabuurta yar yar ee loo yaqaano “mini bus” loogu sii daabulo magaalada. Iima suurtagelin inaan ogaado tirada Qaadka yimaada Kismaayo iyo lacagta ku baxda.
Dadka ka shaqeeya Qaadka waxaa ugu badan haweenka- gabdho iyo hooyooyin intuba. Waxaan kaloo arlay carruur aad u da yar oo aan ku qiyaasay da’dii dugsiga hoose dhigan lahayd oo iyaguna ku hawlan caawinta dumarka qaadka iibiya kuwaasoo la ii sheegay in wax xoogaa yar oo cunto ah la siiyo, iyaguna biyo, bacaha lagu xiro qaadka iyo wixii adeeg ah ee ay u baahdaan ayey u keenaan haweenka “Qaadwalayaasha” Sidaasna noloshooda ku bursadaan.
Booqashadii Ceel Dhiig
Waa 5 km bannaanka faras magaalaha Kismaayo marka loo dhaqaaqo jihada Waqooyi, wadada dheer ee u baxda dhanka degmada Jilib. Waa wadada ugu weyn ee halbowlaha ee isku xirta Kismaayo iyo degmooyinka kale ee dalka illaa caasimada Muqdisho. Hadaad istaagto wadada laamiga agagaarka xarunta Jaamacadda Kismaayo, jihada waqooyi ee hortaada waa Nus Dariiq; waa labo buurood isa soo eegaya dhexdana ay ka marto jid lugeed dadka kaliya ay mari karaan. Horeyda shishe waxaa kuu muuqanaya labo tuulo oo aan waxba isu jirin oo kala ah Dab Dheere iyo Qeyle Dheere. Labada tuulo waxaa ku nool xoolo dhaqato geel iyo ariba hodan ku ah.
Dhanka midig ee xeebta waa garoon yar oo diyaaradeed, hase yeeshee reer Kismaayoodka iskuma waafaqsana taariikhda garoonkan!!, waxaan bartay labo magac oo dadka u kala yaqaanaan mid waa “garoonkii hore” oo micnihiisu yahay inuu yahay garoonkii ugu horeeyay ee diyaaradeed ee Kismaayo balse lama oga waqtiga laga guuray. Magac kale oo dadku ugu yeeraan waa “garoonka cusub” oo ka dhigan inuu ka dambeeyay garoonka hadda kismaayo isticmaasho ee jihada Koonfureed ku yaalla. Dadka sidaas qaba waxay sheegayaan in garoonka uu furmay markii dagaalada sokeeye ay hareeyeen Kismaayo sanadihii 1990-meeyadii.., laakiin si kastaba waa dood reer Kismaayoodka u dhexeysa.
Garoonkan wuxuu leeyahay dhabbe aan ku qiyaasay illaa 2km oo jay quruurux qaadimi ah. Dhisme yar oo malahayga ahaa xafiisyadii garoonkana wuxuu iiga muuqday dhanka midig kuna dhegan halka hadda laga sameeyay Jaamacadda Kismaayo. Dabcan jaamacada Kismaayo lafteeda waa qeyb ka mid ah dhulkii garoonka “yar”.
Jihada dhanka xeebta ka sii xigta garoonka yar waa Buuro bacaad carro cad ah. Haddaad u sii dhaadhacdo inta u dhexeysa buuraha iyo xeebta waxaa hortaada ka muuqanaya saddex ceel gacmeed oo mid ka mid ah laga guuray- waa halka loogu magacdaray “Ceel Dhiig”. Labada hadda shaqeysa waxaa ka caba xoolaha, intii aan ku sugnaa halkaasi Geel iyo Ari unbaa ka cabayey. Labo nin oo xoolaha shubaashooda ku hawlaneyd oo wada sheekeysi kooban na dhexmaray waxay ii sheegeen inay magaalada afaafkeeda xoolaha ka soo arooriyeen.
Ceel Dhiig waxay leedahay taariikho badan mid ka mid ah arrimaha ugu cusub waxay tahay inay ahayd meeshii ugu horeysay ee askarta Kenya ay lugtooda soo dhigeen 31-kii Sebtember 2012 xilli habeenimo ah markii ay ka soo daateen xeebta Ceel Dhiig iyagoo saaran markab kuwa dagaalka ah taasoo ahayd jabkii fududeeyay ee Xarakada Al Shabaab ay gacanteeda ka baxdo magaaladan dekedda leh ee Kismaayo.
Biyaha badda ee xeebta ku soo butaacaya waa labo lakab oo is dhinac socda, Biyaha casaanka ah ee wabiga Jubba si qumaati ah ayaa looga dhex aqoonsan karaa biyaha cusbada ee badweynta Hindiya.
________________________________________
Hoos ka akhriso qeybihii hore:
Qeybtii 1aad. Qeybtii 2aad. Qeybtii 3aad.
________________________________________
W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio, Kismaayo
Email; Cabdallemuumin2@gmail.com