MUQDISHO (RBC) Munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayo munaasabada 8 Maarso oo ah maalinta haweenka adduunka oo dunida oo dhan laga xuso ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Munaasabadan oo ujeedkeedu ahaa in lagu soo bandhigo kaalinta dumarka Soomliyeed ee nabad soo celinta Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu xusay inay hooyooyinka Soomaaliyeed ay noqon karaan kuwi gacan ka geysta joojinta colaadaha sokeeye iyo dilalka ka dhaca waddanka.
Munaasabada waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey wasaaradda adeegga bulshada dawlada federaalka Soomaaliya iyo xafiiska AMISOM ugu qaabilsan dhanka ilaalinta xuquuqda jinsiga. Waxaana furitaanka xafladan dabaaldega ah ka soo qeybgalay wasiir ku xigeennada wasaaradda adeegga bulshada, saraakiisha Midowga Afrika, taliska AMISOM, ururasa haweenka ee Muqdisho, haween dhowaan qurbaha ka soo laabtay iyo bahda warbaahihta.
Munaasabada waxaa sidoo kale ka qeybgalay qaar ka mid ah hal abuurada kooxda loo yaqaano barbaarta gaashaaman kuwaasoo ciyaarta hidaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay munaasabadda. Waxaa sidoo kale haweenkii ka qeybgalay munaasabadan ay soo bandhigeen halku dhigyo wadaniyadeed iyo nabad jacayl iyagoo si weyn u diiday sii socoshada colaada iyo barakaca ka taagan Soomaaliya.
Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa goobta hadal ka jeedisay mid ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee dibadda ka soo laabtay oo lagu magaaco Sucaad, taasoo sheegtay in sanad ka hor aysan ku fekerin inay xuska 8 Maarso kaga qeybgasho magaalada Muqdisho taasoo ay sheegtay in sanadkan ay ugu suurtagashay amaanka ka hirgalay caasimada darteed.
Masuuliyiintii wasaaradda adeegga bulshada ka socday ee ka hadlay xaflada ayaa iyaguna cadeeyay in dawlada ay rabto inay aragto kaalinta muuqata ee haweenka Soomaaliyeed maadaama hooyooyinka iyagu dhaleen ragga dagaalamaya, kuwa tahriibaya iyo kuwa hurinaya colaadaha ayna ka joojin karaan.
Qaar ka mid ah wakiilada ururada haweenka ee ka shaqeeya Muqdisho oo iyaguna hadalo jeediyey ayaa si isku mid ah ugu baaqay taageerida iyo xoojinta nabadda, dawladnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyagoo sheegay in hooyo kasta oo Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto laga doonayo inay gurigeeda iyo deriskeeda ka bilawdo wacyigelinta iyo joojinta colaadaha, lana horseedo nabadwaarta oo Soomaaldu wada hesho guud ahaanteed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho