Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirddon Saacid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxyaabaha ay dowlada Soomaaliya u dalbatay in la qaado xayiraada hubka ee Saaran Soomaaliya oo ay shalay isku raaceen xubnaha golaha amaanka oo meel mariyey in muddo sanad ah la qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya
R/wasaare Cabi Faarax Shiirdoon ayaa qeexay ujeedooyinka ka danbeeya in dowlada Soomaaliya ay dalbato in la qaado xayiraadaas oo ay shaki badan ka muujinayaan maamulo dhowr ah oo ka jira dhulka Soomaalida R/wasaare Saacid ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee ay u dalbadeen arintaas uu yahay iney kula dagaalamaan kooxaha diidan nabadda dalka Soomaaliya iyo iney ku difaacaan mawaadiniinta Soomaaliyeed” waxaan nalagu sameeyey qiimeyn buuxda kadib markii la xaqiijiyey ujeedooyinka aan u dalbaneyno ayey beesha caalamku go’aansadeen iney qaadaan xayiraada hubka ayuu hadalkiisa kusii daray RW Saacid.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay leedahay masuuliyada ay ku ilaalin karto kuna xakameyn karto hubkaas wuxuuna meesha ka saaray in hubkaasi uu gali karo gacan aan ahayn ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,wuxuuna .
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa sifeeyey ciidanka ay u gacan galin doonaan hubka ay heli doonto dowlada Soomaaliya wuxuuna sheegay in hubka lagu qalabeyn doono ciidan leh dhamaan astaamaha ciidan sida Tababar,Akhlaaq iyo xilkasnimo,wuxuuna meesha ka saaray in hubkaasu uu u gacan galo ciidan aan u diyaarsaneen ciidan qaran kuwaasoo u dhisan qaab deegaan ama qabaa’il ama kooxeed.
R/wasaaraha ayaa iftiimiyey inuu jiro shaki badan oo ay qaban dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ka walwalsan halka uu hubkaasi ku danbeyn doono,wuxuuna sidoo kale qiray iney jirto is aaminaad la’aan dhexmartay bulshada Soomaaliyeed xiliyadoo colaadaha taasine ay keentay in qaar ka mid ah ay kalsooni darro iyo walaac ku abuurto qaadista xayiraadda hubka Soomaaliya wuxuuna ka codsanaday umada Soomaaliyeed iney kaga qancaan tafaasiisha ay ka siiyeen ujeeedkooda ku saabsan in la qaado xayiraadda hubka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho