Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliya oo Daboolka ka Qaaday in Ciidamada Soomaaliyeed aan Tababar loogu Qaadi Doonin Dalka Dibadiisa

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan  Sh. Max’uud oo hadal u jeedinayey Jaaliyada Soomaaaliyeed ee wadanka Imaaraadka Carabta ayaa daboolka ka qaaday in ciidan danbe oo Soomaaliyeed aan tababar loogu qaadi doonin wadamada shisheeye madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowlada Soomaaliya ay go’aan ku gaartay ineysan mar danbe dhicin in askari Soomaaliyeed tababar loogu qaado dalka dibadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u aaneeyey sababta ugu weyn ee dowlada Soomaaliya ay uga hortimi in ciidamada Soomaaliyeed dalka dibadiisa lagu soo tababaro iney tahay kadib markii uu dhaliilay waxqabadka ciidamada dibadaha lagu soo tababaro kuwaas oo uu shaaca ka qaaday inaan lasoo barin xuquuqda ay ku leeyihiin mawaadiniinta Soomaaliyeed ee uu u yahay askariga qaran.

Xasan Sh. madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyey iney tababarka qaybta ugu muhiimsan ay tahay in askariga la baro xiriirka kala dhexeeya bulshadiisa iyo inuu yahay adeege u shaqeeya shacabkiisa,balse waxa uu tibaaxay in ciidamada hada ee dowlada ay yihiin kuwo aan aqoon u lahayn xuquuqda ay ku leeyihiin shacabkoodu isla markaane waxa uu tibaaxay iney dhibaato kula dhaqaaqaan dadkii loogu talagalay iney ka difaacaan dhibka.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladu ay bilowday dhismaha 4 xero oo ay leeyihiin ciidamada xooga dalka,wuxuuna sheegay in dowladu ay ogosha in tababar dibadeed loo qaado saraakiisha iyo saraakiil xigeeenka iyo takhasusyada aan dalka gudihiisa laga heli karin,balse wixii intaa kasoo hara dalka lagu tababari doono.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles